Muqdisho (KAAB TV) – Shirkada diyaaradaha ee Kenyan Airways ayaa magaalada Muqdisho ka bilowday duulimaad toos labo sano kadib, waxaana duulimaadka shirkada diyaaradaha Keyan Airways bogaadisay hay’adda duulimaadka rayidka Soamaaliyeed.
Sidoo kale, Duulimaadka diyaaradan kenyan Airways ayaa shalay oo jimco aheyd duulimaadkeedii ugu horeeyay labo sano kadib kutimid muqdisho, iyadoona kasoo duushay dalka Imaaraadka carabta.
Dhanka kale, Shirkada diyaaradaha ee Kenyan Airways ayaa oo shalay duulimaadkeedii ugu hioreeyay kutimid Muqdisho ayaa haatan waxa ay qorsheyneesaa marka lagaaro bisha April in duulimaadkeeda ey kadhigto isbuucii labo mar oo ay ku imaaneyso magaalada Muqdisho.
Ugudambeyn, Dib ubilaabida duulimaadka kenyan Airways ayaa waxaa soo dhaweeyay “ Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay soo dhaweeneysaa duulimaadka Kenyan Airways ku timid Muqdisho, waxa ayna tani qayb ka tahay qorshaheeda inay sare u qaado duulimaadyada caalamiga ah ee imaanaya dalka ,tan oo fursad u siinaysa muwaadiniinta inay helaan duulimaadyo caalami ah.” ayuu yiri Maareeye Axmed Macallin Xasan.

