SO | EN

SO | EN

AU oo shir ka yeelanaya muranka Itoobiya iyo Somalia; USA oo wafdi culus soo diray

|

ADDIS ABABA (KAAB TV) – Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ka furmi doona shirka madaxda Midowga Afrika (AU) kaasoo dhici doona 14 -18 Febraayo 2024.

Sida ay xaqiijiyeen madaxda Midowga Afrika, waxaa kulanka kasoo qeybgali doona madaxweynayaal iyo ra’isul wasaarayaal waddamada Afrika.

Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa xasaradaha ka taagan Afrika, oo ay ugu horreyso arrinta muranka badan dhalisay ee Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib heshiiskii dhexmaray xukuumadda Addis Ababa iyo Somaliland.

Dowladda Mareykanka ayaa soo dirtay wafdi culus oo ay hoggaamineyso Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee Afrika, Molly Phee.

Molly Phee, ayaa hoggaamin doonta wafdi diblumaasiyadeed oo ku tagi doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya 12 – 17 Febraayo, 2024. Wafdiga oo ay wehliyaan mas’uuliyiin uu ka mid yahay Danjire Mike Hammer, ayaa ujeedkiisu yahay ka qaybgalka shirka Midowga Afrika.

Sidoo kale, colaadda ka taagan gudaha dalka Itoobiya ayaa shirka Midowga Afrika looga hadli doonaa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News