Taliska boliiska oo war kasoo saaray dil shalay loogeystay AUN Ibraahim Xasan Cabdi

|

Muqdisho (KAAB TV) – Taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin kabixiyay dhacdo xanuun leh oo maalinmadii shalay aheyd kadhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir dhacdadaas oo sababtay in Hooyo iyo labo wiil ey dhashay ey gowreceen Aabihii qoyska.

Sidoo kale, Taliska ciidanka ayaa waxa uu sheegay in eedeysanayaasha ey baxsadeen balse lagu raad joogo soo qabashadooda, eedeysanayaashan waxaa magacyadooda lagu sheegay Ruqiyo Axmed Cabdulle, Kamaal Aweys Maxamed iyo Cabaas Salaad Shaandi.

Dhanka kale, boliiska ayaa waxa ey intaasi kudareen in cidiid meel kusheegtaa eedeysanayaashaas lasiin doono abaal marino qaali eedeysanayaashana sida ugu dhaqsiyaha badan lahorgeyn doono cadaalada.

Eedeysanayaashan ayaa waxaa looheystaa dilka AUN marxuum Ibraahim Xasan Cabdi oo ahaa Aabaha qoyska oo qabay Ruqiyo Axmed Cabdulle oo iyadana aheyd Hooyadii reerka.

Ugudambeyn, Lamaaha ammaanka ee boliiska ayaa sheegay in haatan uu socdo baaritaano lagu baadi goobayo eedeysanayaasha kabaxsaday gacanta laamaha ammaanka kadib markii ey falka argagaxa leh eygeysteen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News