Dad isku qoys ah oo kudhintay Hoobiyeyaal lagu garaacay Camaara

|

Camaara (KAAB TV) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo ay kooxda Al-Shabaab xalay kuqaadeen deegaanka Camaara kaas oo ay kuwax yeeloobeen dadka isku qoys ahaa.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa Warbaahinta uxaqiijiyay in mid kamid ah Hoobiyeyaasha uu kudhacay guri mid kamid ah guryaha deegaanka waxaana kudhintay Hooyadii iyo Aabihii qoyska.

Dhanka kale, Waxaa jiro khasaare kale oo soo gaaray qaar kamid ah dadka deegaanka oo haatan xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo goobaha caafimaadka ee magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo howlgalo kooban sameeyay weerarka kadib ayaana ilaa hada wax war ayna kasoo saarin weerarkaas, mana jirto ilaa haatan cid loosoo qabtay.

Magaalada Camaara ee koonfurta gobolka ayaa haatan waxa kasoconaya dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda maadaama weerar khasaare kala duwan geystay uu kadhacay halkaas, kaas oo ay kuwax yeeloobeen dad shacab ah oo aan waxbo galabsan.

Ilaa hada majiro wax hadal oo ku aadan weerarkaas oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab iyo dhinaca dowladda.

Ugudambeyn, deegaanka camaara ayaa ah wali meelaha Kooxda Al-Shabaab ey kuxoogaan yihiin, iyadoo xiliyada qaar ey kadhacaan iyadoo Al-Shabaab weeararada ey kafuliyaan halkaas ey dhacaan xiliyada salaada subax.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News