Wararkii Ugudambeeyay Qarax kadhacay Ceelasha Biyaha oo dhaliyay khasaare badan

|

Ceelasha Biyaha (KAAB TV) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax kadhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaana deegaanka Ceelasha Biyaha kaas oo geystay khasaara farabadan sida lasoo warinaayo.

Sidoo kale, Ilo dadka deegaanka ah ayaa Kaabsomali Tv usheegay in qaraxa uu ahaa nooca miinada dhulka aaso, kaas oo lala eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo xiligaas maraayay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan waxa ayna sheegtay in ay kudishay labo askari oo kuwa dowladda ah halka laba kalana ay kudhaaweceen sida ay shegeen.

Majiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee dowladda oo ku aadan qaraxaas, lamana xaqiijin karo sheegashada Al-Shabaab oo ah iney weerarkaasi ay iyaga geysteen.

Inta badan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye waxaa kadhaca falal ammni daro kuwaas oo ay inta badan ka geystaan Al-Shabaab maadaama ay waddadan adeegsadaan ciidanka dowladda iyo kuwa howlgalka Midowga Africa ee ATMIS.

Ugudambeyn, Xaalada deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa haatan ah mid degan waxaana si caadi ah ushaqeynaya isku socodka gaadiidka iyo kan dad weynaha kudhaqan deegaanka Ceelasha Biyaha.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News