Askari kamid ah ciidanka dowladda oo si foolxumo ah loogu dilay Muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) – warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil maanta loo geystay askari katirsan ciidanka dowladda, askarigan ayaana waxaa lagu dilay Xaafada Haanta dheer ee degmada Deyniile.

Sidoo kale, dilka waxaa geystay askari katirsan ciidanka dowladda, kadib markii uu labadan askari dhexmaray muran sidaasina lagu dilay askariga kale.

Dhanka kale, qaar kamid ah dadka deegaanka oo Warbaahinta lahadlay ayaa sheegeen “Waxaan aragnay nin askari ah iyo niman kale oo 4 askari ah oo murmaayo, kadib is afgaranwaayay ka bacdi madaxa ayay xabad uga dhufteen, mooto ayayba raaceen”

Wararka waxa ay intaas kudarayaan in askariga ladilay uu marka hore soo gaaray dhaawac wuxuuna waayay wax qaado kadibna meesha uu kunaf baxay.

Laamaha ammaanka ee dowladda ayaa ilaa hada kama aysan hadlin dilkan loo geystay askariga mana jirto ilaa hada cid losoo qabtay kiiska dilkan.

Ugudambeyn, Inta badan Caasimada Muqdisho waxaa kadhaca isku dhacyo ciidan kuwaas oo sababa khasaare kala duwan iyadoo inta badan ay kuwax yeeloobaan dad shacab ah

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News