Hoobiyeyaal khasaare dhaliyay oo xalay kusoo dhacay xaafado katirsan Muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha kadhashay Hoobiyeyaal xalay lagu soo tuuray Wasaaradda Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho, waxa uuna khasaare kala duwan uu kasoo gaaray dad shacab ah.

Sidoo kale, wararka ayaa waxa ay intaas kudarayaan in afar Hoobiye lagu soo tuuray Wasaaradda Gaashaandhiga, waxa ayna Hoobiyeyaasha qaarkood kudheceen xaafado ay daganyihiin dad shacab ah oo ka agdhow xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga.

Dhanka kale, Ilo dadka deegaanka ah aaya inoo sheegay in dhowr qof oo shacab ah ay waxyeelo kala duwan soo gaareen, waxaana dadka ay waxyeeladu soo gaartay kujiray caruur yar yar kadib markii Hoobiyeyaal ay kusoo dheceen guryohooda.

Ilaalada Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa weerarka kadib waxa ay rideen rasaas, lamana oga ilaa in ay khasaara kale kadhasheen iyo inkale.

ugudambeyn, Inta badan waxaa magaalada Muqdisho kadhaca weraro loo adeegsado Hoobiyeyaal kuwaas, oo inta badan kudhaca xaafado ay daganyihiin dad shacab ah oo waxbo galabsan,

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News