SO | EN

SO | EN

Ciidamada DF oo deegaano cusub kala wareegay Alshabaab

|

Muqdisho (Kaab TV) Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maanta fashiliyay weerar ay Alshabaab qorsheynayeen, kadib markii ay weerar ku qaadeen goob ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda isku uruursanayeen.

Wararka ayaa la sheegaya in dagaal toos ah uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo xubnaha AlShabaabka  ayada oo halkaas jab xoogan lagu gaarsiiyay Alshabaab.

Dagaalkan oo ka dhacay degaanka Beerxaano oo dhaca Koonfurta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxay ciidamada kula wareegeen deegaano ay kamid yihiin Beerxaano, Tarashante, Dhoqor iyo kuwa kale oo dhamaantood dhaca Koonfurta magaalada Beledweyne kuna teedsan wabiga Shabeelle.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in intii uu socday dagaalka ciidan gurmad ah oo uu hogaaminayay Taliye Xasan Guuleed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad ayna wehliyeen ciidanka Gorgor ay gaareen goobta uu dagaalka ka dhacay.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladu ay tahay mid degan, islamarkaana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadaan howl-galo kala duwan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii dambe kordhiyay howl-galada ay ugu hortagayaan weerarada gaadmada ah ee Alshabaab, ayada oo shalay ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo isku uruursanayey deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News