SO | EN

SO | EN

Isimida ku shirsan Laascaanood oo war lama filaan ah kasoo saaray fara-gelintii Geelle

|

Laascaanood (Kaab TV) Isimada gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn ee maalmihii dambe uu shirka uga socda magaalada Laascaanood, ayaa markii u horeysay ka hadlay mowqifkooda ku aadan dhex-dhexaadinta madaxweynaha Jabuuti ee xiisada taagan.

Afhayeenka guddida 33 ka ah ee maamulaysa shirka, Jiif Caaqil Cabdirisaaq Xasan Falaalug oo la hadlay BBC ayaa sheegay in xilligaan aysan jirin wax dhex-dhexaadin ah oo ay aqbalayaan, kadib hadalkii shalay kasoo yeeray urur goboleedka IGAD.

Maya hadda diyaar uma nihin arrintaan, hadii aanu nahay dadka gobolada waxaa weli isbitaalada noo yaala dhaawicii ay gaysatay Somaliland, xaalada dadkayaguna waxay maraysa meel adag, magaalada 80% ama 90% waa laga qaxay,” ayuu yidhi Falaalug.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay jirto cabsi ay ka qabaan in ciidamada Somaliland ay soo galaan, sidaa darteed aanay ku jirin jawi ay wada-hadal iyo waan waan kula galaan Somaliland.

Macquulna maaha, meel ay ka shaqaysana garan maayo qof aad qoorta kaga taagan tahay ila hadal, meel ay ka dhacdaa ma jirto,” ayuu yiri Jiif Caaqil Cabdirisaaq Xasan Falaalug.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu ku celceliyay in aanay jirin cid ay dhex-dhexaadin ka aqbalayaan, balse taas badalkeed ay xiligaan rabaan in Geelle iyo IGAD oo ka yimid baaqa dhex-dhexaadintu ay ciidanka Somaliland ka saaran guud ahaan gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News