SO | EN

SO | EN

Al Shabaab ma aqbali doonaan Shuruuda RW Xamse Barre si loo wada hadlo?

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Federaalka ayaa waxa ay dagaal kula jirtaa kooxda Al-Shabaab oo wali kuxoogan qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, iyadoona ay wali dowladda Soomaaliya ay kuguuleysan la’dahay soo gaba-gabeynta dagaalka kadhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale, Ra’isul Wasaare Xamse Cabid Barre ayaa waxa uu shalay sheegay in dowladda diyaar utahay in ay waddahadl lasameyso kooxaha argagixisada ee kadagaalama gudaha Soomaaliya, isagoona sheegay iney dowladda diyaar utahay iney waddahadal lagasho hadii nabad lagu helaayo.

“Dagaalka oo kaliya xal nooma aha, dagaalka waxaan ku raadineynaa nabad, laakiin xalka ugu dambeeya wuxuu noqon doonaa wadahadal iyo isku imaansho, in la is qanciyo ayuu xalkeenu kuma jiro dil iyo is qarxin, qofku marka hore dambiga gacanta ha kala baxo, markaas kadib ayey toobadu u furan tahay.” ayuu yiri Xamse Barre.

Dhanka kale, Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay dagaalka Al-Shabaab ay kula jiraan in ay kuraadinayaan nabad, isagoona intaas kudaray hadii xubnaha duurka kujira ee Al-Shabaab is soo dhiibaan hubkana dhigaan fikirkana qaldana iska dhaafaan ay soo dhaweyndoonaan.

Al-Shabaab ayaa wali dhankeeda kahadlin hadalkan kasoo yeeray Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ee ku aadanaa in ay waddahadal lagalaan dowladda, iyadoona Al-Shabaab horey udiiday in ay dowladda waddahadal layeelato.

Ugu dambeyn, Al Shabaab ayaa dooneysa in dalka ay xoog kula wareegaan si ay maamulkooda dalka dhan uga hirgalo, waxaana dadka siyaasada falanqeeya aaminsan yihiin in Al-Shabaab marna diyara u aheyn in wadahadal la gasho dowladda ayna nabadda qaataan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News