Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah [5 November 2026] soo saartay go’aan rasmi ah oo ay ku burisay wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ee 2012, iyada oo sidoo kalana diiday dastuurka cusub ee Xasan Sheekh soo saaray sannadkii 2025, iyo kordhinta waqtiga hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Go’aanka Maxkamadda ayaa yimid ka dib markii uu dacwad soo gudbiyay qareen matalayay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
MAXKAMADDA SARE EE DALKA
QAYBTA DASTUURKA
Sum: MS/DST/1/2026
Sum: MS/QDST/ /2026
GO’AAN
Maxkamadda Sare Ee Dalka qaybteeda dastuurka oo ka kooban 5 garsoore, ayaa fadhi ay golaha tashiga ku yeelatay 05/11/2026 waxa ay uga go’aantay dacwadda dastuur oo ku saabsan duridda waxkabeddelka lagu sameeyay dastuurka kumeelgaarka ah ee 2012, go’aaminta in waxkabeddelkaasi yahay mid dastuurka khilaafsan, iyo burinta dhammaan raadadka dastuur iyo sharci ee ka dhashay waxkabeddelkaas. Dacwadaas oo laga keenay is-hortaag lid ku ah, una dhexeysay dhinacyada kala ah:
- Sharif Sheekh Axmed __________________ Dacwoode.
Qareen: Zakariye Ismaaciil Nuur.
LID
- Dowladda Federaalka Soomaaliya (Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka) __________________ Dacweysane.
Qareen: Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda.
MAXKAMADDU:
Markii ay aragtay: Dacwadda kor ku xusan ee ay summaddeedu tahay E-Som.21/2026, kuna taariikheysan 11/10/2026, ee uu maxkamadda u soo gudbiyay qareenka dacwoodaha ee kor ku xusan, kaalinta maxkamadduna ay qabatay 12/10/2026. Dacwaddaas oo uu nuxurkeedu yahay:
- In habraaca loo maray waxkabeddelka dastuurka kumeelgaarka ah ee 2012 aanu waafaqsanayn habraaca uu jideeyay isla dastuurkaas, gaar ahaan qodobbadiisa 132aad, 133aad iyo 136aad.
- In raadadka dastuur iyo sharci ee ka dhashay waxkabeddelkaasi aysan ahayn kuwa waafaqsan sharciga. Raadadkaas oo ay ka mid yihiin kordhinta muddada xilhaynta dastuuriga ah ee hay’adaha la doorto ee kala ah labada gole ee baarlamaanka federaalka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Xukuumadda Federaalka oo ka dhex dhalato labadoodaas.
Markii ay aragtay: Nuxurka codsiga dacwoodaha oo ah:
- In ay aqbasho dacwadda uu soo gudbiyay habraac ahaan iyo nuxur ahaanba.
- In ay laasho isla markaana buriso dhammaan habraacyada iyo tallaabooyinka loo maray waxkabeddelka dastuurka kumeelgaarka ah ee 2012.
- In ay baabi’iso raadadka dastuur iyo sharci ee ka dhashay waxkabeddelkaas.
- In ay go’aamiso in dastuurka dhaqan-galka ah ee dalka uu yahay dastuurka kumeelgaarka ah ee la ansixiyay 2012.
- In maxkamaddu ku xukunto Xukuumadda Federaalka, kharashka dacwadda iyo xushmadda qareenka oo gaaraysa $15,000 (Shan iyo toban kun oo doollarka Mareykanka ah).
Markii ay aragtay: Is-hortaagga kor ku xusan ee ay summaddiisu tahay XGG/XG/371/2026, kuna taariikheysan 22/10/2026, ee uu maxkamadda u soo gudbiyay qareenka dacweysanaha kor ku xusan. Is-hortaaggaas oo uu nuxurkiisu yahay:
- In dacwooduhu aanu lahayn sifo sharci oo uu dacwaddan ku furan karo.
- In xeerka uu dacwooduhu cuskanayo aanu ahayn dhaqan-gal marka laga fiiriyo awoodda maxkamadda.
- In dastuurka aanu ka mid ahayn sharciyada ay maxkamadda dastuurku burin karto.
Markii ay aragtay: Nuxurka codsiga dacweysanaha oo ah:
- In ay aqbasho is-hortaagga lidka ku ah dacwadda kor ku xusan.
- In ay diiddo ka garnaqidda dacwadda kor ku xusan.
Waxa uu caddaaday:
- In nuxurka dacwadda uu soo gudbiyay dacwooduhu ay ka kooban tahay labo qeybood oo kala ah:1.1. In habraaca loo maray waxkabeddelka dastuurka kumeelgaarka ah ee 2012 aanu waafaqsanayn habraaca uu jideeyay isla dastuurkaas, gaar ahaan qodobbadiisa 132aad, 133aad iyo 136aad.
1.2. In raadadka dastuur iyo sharci ee ka dhashay waxkabeddelkaas aanay waafaqsanayn sharciga. Raadadkaas oo ay ka mid yihiin kordhinta muddada xilhaynta dastuuriga ah ee hay’adaha la doorto ee kala ah labada gole ee baarlamaanka federaalka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Xukuumadda Federaalka oo ka dhex dhalato labadoodaas.
- In labada qeybood ee ay ku saabsantahay nuxurka dacwadda ay kala madax-bannaan yihiin oo mid walba ay ka dhalanayso natiijadiisa gaarka ah.
- In ka go’aangaaridda dacwadda qeybteeda lidka ku ah dastuurnimada habraaca waxkabeddelka dastuurka kumeelgaarka ah ee 2012 loo raacay si waafaqsan isla dastuurkaas, maadaama uu yahay dastuurka jideeyay habraaca waxkabeddelkiisa si waafaqsan qodobbadiisa 132aad, 133aad iyo 136aad.
- In ka sokow Shareecada Islaamka, dastuurku uu yahay sharciga ugu sarreeya sharciyada dalka.
- In dastuurka kumeelgaarka ah ee 2012 qodobkiisa 86aad uu xaddiday cidda xaqa u leh durid lid ku ah sharci uu meelmarinayay Baarlamaanka Federaalka.
- In dacwooduhu uusan lahayn sifada sharci ee uu ku soo gudbin karo dacwad waafaqsan qodobka 86aad ee dastuurka kumeelgaarka ah maadaama aanu ka mid ahayn jidhoyinka ku xusan qodobkaasi.
- In sifo la’aanta dacwoodaha ee qeybtaas aanay ka dhignayn in aan dacwad laga keeni karin habraaca waxkabeddelkaas haddii la helo dacwad waafaqsan habraaca ku xusan dastuurkaas.
- In nuxurka dacwadda qeybteeda ku saabsan sharci-darranimada tallaabooyinka ka dhashay waxkabeddelkaasi ay tahay mid waafaqsan sharciga oo uu dacwooduhu xaq u leeyahay in uu ku dacwoodo isaga oo ku durayo in aanay waafaqsanayn dastuurka kumeelgaarka ah ee 2012 iyo waxkabeddelka ka dhashay ee 2026 labaduba.
- In maxkamaddan ay awood u leedahay ka go’aangaaridda dacwaddan dastuurka ah si waafaqsan qodobka 191aad, faqraddiisa 3aad ee dastuurka 2026, maxkamadduna ay u cuskatay dastuurkan maadaama dacwadda qeybteeda lidka ku ah dastuurinimada waxkabeddelkaasi aanay ahayn mid uu dacwooduhu leeyahay sifadeedii sharci, sidaas darteedna mar haddii aysan hadda taagnayn dacwad waafaqsan habraaca lagu durayo waxkabeddelkaas, maxkamaddu waxay xaq u leedahay in ay ku shaqeyso waajibaadka maxkamadda dastuurka ee ku xusan qodobka 191aad faqraddiisa 3aad ee dastuurka 2026.
- In si waafaqsan fasiraadda dastuuriga ah ee fiqiga dastuurka ay tahay in haddii uu dhaco waxkabeddel dastuur, kaas oo ay qodobbadiisu waxkabeddelleen muddada xilhaynta hay’adaha la doorto iyo kuwa ka dhex dhasho, uu yahay dhaqan ka fiqiqa dastuuriga ah in waxkabeddelkaas saddex midkood uu raaco:
10.1. In si cad loogu sheego in muddada ku xusan waxkabeddelka cusub ay ku dabqmayaan hay’adaha la doorto iyo kuwa ka dhex dhasho ee markaas xilka haya. Tusaale, haddii muddada cusub ee waxkabeddelku ay tahay 5 sano halka tii hore ay ahayd 4 sano, in si cad loogu sheego in muddada xilhaynta hay’adaha markaas joogo ay isu beddelayso 5 sano.
10.2. In si cad loogu sheego in muddada ku xusan waxkabeddelka cusub aanay ku dabqmaynin hay’adaha la doorto iyo kuwa ka dhex dhasho ee markaas xilka haya. Tusaale, haddii muddada cusub ee waxkabeddelku ay tahay 5 sano halka tii hore ay ahayd 4 sano, in si cad loogu sheego in muddada xilhaynta hay’adaha markaas joogo aanay waxba iska beddelaynin oo ay ahaanayso sidii lagu doortay oo ah 4 sano.

