SO | EN

SO | EN

Hay’adda Laanqeyrta Cas oo bilaabeysa raashin bisha Ramadaan oo la siinayo maxaabiista.

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa bisha Ramadaan ka bilaabaysa xabsiyada Soomaaliya raashin gaarsiinta. Afarta toddobaad ee soo socota, ICRC waxay qorsheynaysaa inay u qaybiso maxaabiista Soomaaliya oo dhan timir, hilib ari, bariis, digir, caano iyo shaah.

Iyada oo la kaashanaysa maamulka, ICRC-du waxay alaabta siin doontaa toddobaad kasta ilaa toban goobood oo lagu hayo kumannaan qof oo xorriyadda laga qaaday oo ay ICRCdu si joogto ah u booqato.

“Cunno bixinta inta lagu guda jiro bisha Ramadaan waxay caado u noqotay ICRC-da Soomaaliya, waxayna qayb ka tahay dadaallada aan ku xaqiijinayno in maxaabiista ay helaan daryeel bini’aadantinimo iyo sharaf leh,” ayuu yiri madaxa ICRC ee Soomaaliya Pascal Cuttat. “Annaga, tani waa tilmaan ixtiraam ku aaddan muhiimadda bisha barakeysan ee Ramadaan ay u leedahay maxaabiista, qoysaskooda, iyo bulshada Soomaaliyeed.”

ICRCdu waxay booqasho joogto ah ku samaynaysay meelaha dadka lagu hayo ee Soomaaliya oo dhan. Waxay kala shaqeysaa maamulka xabsiga si loo hubiyo in loola dhaqmo bini’aadantinimo iyo xaaladaha nololeed ee maxaabiista.

Booqashada maxaabiista waa qayb muhiim ah oo ka mid ah shaqada ICRC ee aduunka. Ururku waxa uu higsanayaa in uu si bini’aadantinimo ah ula dhaqmo dhammaan maxaabiista, iyadoon loo eegayn sababaha loo xidhay iyo xadhigooda. Waxay ku dadaalaysaa in ay hubiso in maxaabiistu ay sii wadi karaan xidhiidhka ay la leeyihiin qoysaskooda iyo in shuruudaha xabsigu ay yihiin kuwo ixtiraamaya sharaftooda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News