SO | EN

SO | EN

xiisad ka taagan magaalada balaweyne ka dib markii…

|

Baledweyne (KAAB TV)-  Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Sadex maalin ka hor ayaa laga saaray ciidamadii taabacsanaa Hirshabeele kadib dagaal qaraar oo ka dhacay magaaladas, khasaare kala duwana gaarsiiyay labada dhinac ee Hirshabeele iyo Hiiraan state

Majiraan ciidamo awood leh oo ay leedahay Hirshabeele oo Baledweyne jooga lkn dagaalkan ayaa waxaa gadaal ka riixayay Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Nuur dheere oo hogaaminayay dagaalka isagoo heystay hub culus oo uu leeyahay Yuusuf Dabageed

Ciidamadii taabacsanaa Hirshabeele Ayaa magaalada Banaanka looga saaray kadib markii ay dagaal xoogan kala kulmeen Ciidamadii taabacsanaa Hiiraan State oo dhowr jiho ka maray ciidankii Hirshabeele iyagoo deegaan ka dhigtay dhanka ceeljaale illaa xerada UN ka ee ay gacanta ku hayaann ciidanka ATMIS

Maxaa sababy Dagaalka?

Dadka kunool gobolka Hiiraan oo aan awalba la dhacsaneeyn nidaamka loo maray dhismihii hore ee hirshabeele iyo kasii mid ahaan shaheeda oo ay dadku aad uga soo horjeeden ayaa waxaa xiisadaan qaraareeyay kadib markii shir ka dhacay Jowlahar aya ka qeyb galeen gudoomiyaasha dagmooyinka gobolka Hiiraan

shirkaas waxaa sigaaar ah kulan uwada qaatay Cali guudlaawe xuseen madaxweynaha Hirshabeele iyo Nuur dheere oo ah gudoomiyaha Dagmada jalalaqsi sidoo kalena kaalin weyn kasoo qaatay dagaalkii Alshabaab looga xoreeyay Gobolka Hiiraan iyadoo ay madaxda Hirshabeele ay isla garteen in baabi,inta Hiiraan state ninka kaliya ee loo adeegsan karo uu yahay Nuur dheere waxaana uu cali guudlaawe u balan qaaday inuu ka dhigi doono Gudoomiyaha gobolka Hiiraan nuur dheere hadii talaabadaas qaado oo uu dagaal la galo Hiiraan state kana guuleysto balse taasi ma dhicin.
magaalada baladweyne waxaa manta ka jirta xiisad ka dhalatay dad lagu kala afduubtay magaaladas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News