Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Xiisadda siyaasadeed ee PUNTLAND oo kasii dartay – Maxaa soo kordhay?

|

Muqdisho (Kaab TV) – Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, taas oo salka ku heysa doorashada maamulkaasi, waxaana si weyn la’isugu hayaa arrinta diiwaan-gelinta oo haatan ka socota magaalooyinka qaar.

Xiisadda ayaa kasii dartay markii ay xalay tallaabo lama filaan ah qaadeen ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland, gaar ahaan guutada 2-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo digniin culus soo saaratay.

Qoraal kasoo baxay ciidamada ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Puntland, wuxuuna talisku sheegay in jujuub iyo diiwaan-gelin hubeysan ay ka socoto caasimada Garoowe.

Sidoo kale waxa qoraalkan lagu sheegay in arrintan ay ka dhalaneyso amni darro iyo qalalaase ka dhaca Puntland, ayna uga digayaan dhinacyada ku lugta leh arrintaasi.

Ciidanka Kumaandooska waxay ka digayaan markale diiwaan-gelinta hubeysan iyo doorasho aan heshiis lagu aheyn oo keeni karta dambiyo la xiriira ku takrifal awoodeed iyo qalalaase ka abuurma gudaha Puntland,” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay ciidamada.

Ciidamada kumaandooska ee soo saaray diniintan culus oo liddi ku ah madaxweyne Saciid Deni ayaa ku baaqay in wadahadal la’isugu yimaada, si xal looga gaaro xiisadda taagan.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in waajib uu ka saaran yahay amniga iyo kala dambeynta, ayna gudan doonaan shaqada loo igmaday ee kaga aadan Puntland

“Hadaba deganaasho la’aanta jirta, si looga gudbo waxaan faraynaa cid kasta oo ay khuseyso inay isugu yimaadaan wadahadal, si loo dhowro amniga iyo kala dambeynta, lagana noqod wax weliba oo keeni kara xasilooni darro,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale waxaa la joojiyay tababar magaalada Garroowe uga socday shaqaale loogu talagalay in diiwaan-gelinta ay ka sameeyaan gobolka Nugaal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan caasimadda Puntland ee magaalada Garoowe.

Arrintan ayaa salka ku heyso tallaabada ay qaadeen ciidamada kumaandooska Puntland oo ka horimid diiwaan-gelin laga bilaabo gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxayna arrimahaan kusoo aadayaan, ayada oo haatan Deni ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo uu ka wado kulamo siyaasadeed oo ku aadan xaaladda doorashada ee maamulkaasi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News