SO | EN

Weerarka Moscow: Dhimashada oo gaartay 113, waxaa la xiray 11 ruux iyo Putin oo hadlay

|

MOSCOW (KAAB TV) – Tirada dhimashada weerarkii hoolka ruwaayadaha ee Crocus Concert Hall ayaa hadda gaartay 133, guddiga baaritaanka Ruushka ayaa sidaasi sheegay.

Weerarka ayaa xalay lagu qaaday goobta ruwaayadaha ee caasimadda Moscow. Waxaana durba sheegtay kooxda Daacish.

Kooxahagurmadka degdega ah ayaa soo heley meydad badan, sida ay shaaciyeen guddiga dowladdu u xilsaartay baaritaanka dhacdada.

Ciidamada amaanka ayaa sheegay inay xireen 11 ruux, oo 4 ka mid ah yihiin kuwii weerarka geystay.

Waxay afar ka mid wateen baabuur nooca yar yar oo cad oo ay ku baxsanayeen.

Putin oo hadlay

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa khudbad u jeediyay shacabka Ruushka kadib weerarkii xalay ka dhacay magaalada Moscow.

Madaxweyne Putin oo maalmo ka hor uun ku soo laabtay doorashada madaxtinnimada ayaa hadlay ku dhawaad 5-daqiiqo.

Wuxuu sheegay in dembiilayaasha ay ahaayeen kuwo dhiigyo-cab ah oo si ula kac ah u doonayey inay dilaan muwaadiniinta Ruushka iyo carruurtooda.

Goobta bandhigga faneedka uu ka dhic lahaa ee Crocus City Hall.
Goobta bandhigga faneedka uu ka dhic lahaa ee Crocus City Hall.

Putin wuxuu yiri waxay rabeen inay dhuuntaan, waxaana laga soo qabtay iyagoo u baxsanaya dhinaca Ukraine, halkaas oo, sida laga soo xigtay xogta hordhaca ah, ay isku diyaarinayeen  inay u gudbaan dhinaca Ukraine si ay uga gudbaan xadka gobolka.

Madaxweynaha Ruushka ayaa wacad ku maray cid kasta oo ay yihiin, kuwii soo hagay in la aqoonsan doono oo la ciqaabi doono.

“Waxa ugu weyn hadda waa in laga hortago kuwa ka dambeeya dhiiggan inay galaan dambi cusub,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Daacish oo soo hadashay

Kooxda Daacish ayaa soo saartay bayaan daba socda kii hore oo faah faahin dheeraad ah ka bixisay weerarkii xalay lagu qaaday goobta bandhig faneedka uu ka dhici lahaa oo ku taal duleedka magaalada Moscow, kaasoo ay kooxdu horay u sheegtay inay ka dambeysay.

Faahfaahinta cusub – oo lagu daabacay akoonnada kooxda IS ee Telegram – ayaa sheegaya in afar weeraryahan ay ku lug lahaayeen weerarkan.

Waxayna kooxda Daacish baahisay sawir ay ku muujinayaan afartii weeraryahan oo dhammaantood wejiyada u duuban yihiin.

Ruushku weli kama hadlin sheegashada kooxda Daacish ee weerarkan. Balse sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya inay sax tahay in Daacish ay geysatay weerarka Moscow.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News