Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Xasan Sheekh oo soo celinaya xiriirka Shiicada Iiraan, 33 kalluumeysato sharci darro oo la fasaxay

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Tallaabo kale oo la yaab leh ayay ku dhaqaaqday dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo fasaxday 33 nin oo ahaa kalluumeysato si sharci darro ah uga kalluumeysanay xeebaha Soomaaliya.

Tallaabadan lagu siidaayey 33 kalluumeysatada Iiraan ayaa lagu micneeyay in dowladda Shiicada ee Iiraan ay ku xujeysay maamulka Xasan Sheekh inuu marka hore siidaayo ragga kalluumeysatada ee u xiran ka hor inta aan dib loo soo celin xiriirka Soomaaliya iyo Iiraan.

Dhammaan kooxda 33 Iiraan ayaa laga siidaayey Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Raggan ayaa xukunno kala duwan lagu riday bishii July 2023, iyagoo lagu eedeeyay inay dhacayeen kalluunka xeebaha Soomaaliya, iyo inay sababeen khasaare soo gaaray ciidamada Soomaaliya ee soo qabtay.

Dhammaan kooxda 33 Iiraan ayaa laga siidaayey Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo tan Racfaanka ayaana xukunno kala duwan ku riday oo ay ka mid ahaayeen xarig, in lala wareego doonyahooda iyo inay bixiyaan lacag dhan USD 11,000 midkiiba.

Il wareed ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Kaab TV u sheegay in shuruudda fasaxidda 33 nin loo fuliyay Iiraan ka dib markuu sidaasi soo amray Xasan Sheekh Maxamuud.

Wakaaladda Wararka Iiraan ayaa shaacisay in Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Balcad uu ku wargaliyay Danjiraha Iiraan u jooga Nairobi Cali Gholampour siideynta ragga 33 ah ee ku xirnaa Muqdisho.

SHIICEYNTA

Bishii Jannaayo 2016 ayaa la xiray Safaaradda Iiraan ee Muqdisho, iyadoo dhammaan diblomaasiyiintooda iyo shaqaalaha oo ay wehliyaan qaar u shaqeynayey hay’ado Iiraan leedahay lagu amray inay Muqdisho uga baxaan 72 saac.

Waxaa lagu eedeeyay inay madhabka Shiicada faafinayeen.

Waxaa arrinkaasi mardambe caddeeyay madaxweyne Xasan Sheekh laftiisa oo sheegay in markuu warkaasi soo gaaray uu qaatay go’aan ah in dalka laga saaro dhammaan Iiiraaniyiinta.

Ilo diblomaasiyadeed ayaase hadda Kaab TV u sheegay in soo celinta xiriirka Iiraan uu imaanayo xilli ay soo awoodsatay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen oo ah koox Shiico ah oo taageero ka hesha Iiraan. Kooxdan ayaa weeraro ka geysata biyaha Badda Cas, waxaana jira xiriir u dhexeeya kooxda Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in Xuutiyiinta ay hub iyo rasaas ka iibiyaan kooxaha maleeshiyaadka iyo burcad badeeda Soomaalida ee dhowaan dib usoo laba kacleeyay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News