ADDIS ABABA (KAAB TV) – Puntland ayaa wafdi heer wasiiro ah u dirtay dalka Itoobiya, halkaasoo ay ka bilawdeen wada hadallo lagu doonayo in lagu dhiso xiriir iyo iskaashi dhexmara Puntland iyo Itoobiya.
Maanta ayaa wafdi ka socda Puntland oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Maaliyadda Maxamed Faarax Maxamed wuxuu la kulmay Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Mesganu Arga.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa shaacisay in Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda, Danjire Mesganu Arga, maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo heer wasiir ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamed.
Labada wafdi waxay ka hadleen fursadaha iskaashi ee ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.
Danjire Mesganu ayaa ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xiriirka Puntland, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya ay diyaar u tahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh. Waxa uu sidoo kale fariin hambalyo ah u diray dowladda Puntland sida wanaagsan ee ay u qabsoontay doorashadii dhawaan dhacday.
Puntland oo noqotay ‘dowlad madax-bannaan’
Kulanka Arbacada ka furmay Addis Ababa ayaa ku soo beegmaya iyadoo Puntland ay ku dhawaaqday inay doonayso inay ka madax-bannaanaato dowladda federaalka Soomaaliya. Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in aysan aqoonsaneyn dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Xaalada Soomaaliya ayaa isku badashay xiisad rasmi ah, taasi oo muujineysa inay jiraan labo qeybood oo ka mid ah dastuurka oo iska soo horjeeda, waxaana muuqata in hadda ay xiran yihiin wadooyinkii lagu xalin lahaa arrintan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo rogay dastuur hal dhinac ah, isaga oo iska indha tiray is-afgaradkii laga gaaray dastuurkii 2012-ka, ayaa sii kordhisay tafaraaruq iyo kala qeybsanaan. Somaliland ayaa hore ugu dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1992-kii ka dib dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daatay.
Puntland oo ku taalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Soomaaliya, ayaa ku doodaysay nidaamka Federaalka ah tan iyo sannadkii 1998-kii, markaasoo uu maamulkaas dhistay maamul-goboleedkii ugu horreeyay kaddib burburkii Soomaaliya.