Madasha Samatabixinta oo raalli-gelin ka bixisay hadallo loo jeediyay Saacid, kana hadashay gogosha wada-hadalka

|

Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa soo saartay qodobada kasoo baxay kulamadii ay ku yeesheen Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed.

Hoggaanka Madasha ayaa si rasmi ah raalli-gelin uga bixiyay hadallo xanaf leh oo kulankii habeen hore loo jeediyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kuwaas oo ay ku hadleen xubno ka tirsan Madasha.

Sidoo kale, xubnaha Madasha Samatabixinta ayaa mabda’ ahaan soo dhaweeyay gogosha cusub ee wada-hadalka ee uu hormuudka ka yahay Saacid, iyagoo sheegay in wada-hadalku yahay jidka keliya ee lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

Hase yeeshee, Madasha ayaa diidday gogol uu garwadeen ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo muujinaysa kala duwanaanshaha mowqifyada siyaasadeed ee dhinacyada ku aaddan cidda hoggaamineysa wada-hadallada.

Kulamada Hotel Jazeera ayaa sidoo kale la isku raacay in waqti iyo farsamo dheeraad ah la geliyo sidii loo abuuri lahaa jawi lagu wada-hadli karo oo ay dhinacyada siyaasadeed isku kalsoon yihiin.

Madasha Samatabixinta ayaa ugu dambeyn Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon iyo xubnihii ku wehliyay wada-hadallada uga mahadcelisay doorka nabaddoonimo ee ay qaateen iyo dadaallada ay ku doonayaan in dhinacyada siyaasadeed la isugu keeno.

Kulamadan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya ka jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u baahan wada-hadal iyo is-afgarad, iyadoo dadaallada socda ay diiradda saarayaan sidii loo heli lahaa hannaan ay dhinacyadu ku wada xaajoodaan, isla markaana lagu wajaho arrimaha siyaasadeed ee dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News