Golaha Wasiiradda ayaa maanta lafilayaa in ay xil kaqaadis ku sameeyaan Mahad Salaad

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Waxaa maanta khamiis ah lafilayaa in shirka toddobaadlaha ah ee golaha Wasiiradda xilka looga qaado Agaasimaha hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad.

Sidoo kale, Warar kala duwan oo aan heleyno ayaa sheegaya in Mahad Salaad uu isaga gudbiyay warqadiisa iscasilaada, halka golaha Wasiiradda lafilaayo in ay aqbalaan iscasilaada Mahad Salaad balse wararka qaar ayaa sheegaya in uu Mahad Salaad xilka iskaga casilaayo ay tahay in uu doonaayo in uu utar-tamo xilka hoggaamiyaha maamulka Galmudug.

Dhanka kale, Taliyihii hore ee hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe ayey wararku sheegayaan in markale xilkan loo magacaabo, waxaana taladaasi soo gudbiyay ayaa laleeyahay Xasan Sheekh.

Mahad Salaad ayaa warar soo baxaya sheegayaan in ay Villa Somalia larabto xilka madaxweynaha Galmudug, iyadoona shaqo katagistiisa lagu sheegay in uu rabo in uu bilaabo olole uu kursiga ugu diyaar garoobayo.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News