SO | EN

XOG: Qorshaha socdaalka Xasan Shiikh ee Nairobi iyo Labo Ajande oo muhimad u leh

|

NAIROBI (KAAB TV) – Waxaa soo baxaya xog dheeraad ah oo ku saabsan safarka madaxweyne Xasan Shiikh ee magaalada Nairobi, ee dalka Kenya uu ku gaaray maanta.

Ilo wareedyo la hadlay Kaab TV ayaa sheegay in qorshaha koowaad ee madaxweynaha Soomaaliya uu ahaa kulan beeleed ay soo qabanqaabiyeen beelaha Mudulood kaasoo la doonayey in lagu dhex dhexaadiyo isaga iyo madaxweyne hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo halkaasi ku sugan.

Shiikh Shariif ayaa ka mid ah siyaasiyiinta diiddan beddelidda dastuurka ee uu dhowaan sameeyay Xasan Shiikh.

Dhowr ka mid ah ganacsatada Nairobi ayaa sheegay in xubno ganacsato iyo dhaqan beelaha Mudulood ay arrinka dhex dhexaadinta kasoo shaqeeyeen, taasoo Xasan Shiikh uu aad doonayey sababo la xiriira mucaaradada kasoo food saartay arrinta beddelida dastuurka.

Weli ma cadda natiijada kasoo bixi karta kulanka Xasan iyo Shiikh Shariif, inkastoo warar hordhac ah ay shaki gelinayaan suuragalnimada inuu kulanku sidii la rabay u qabsoomi karo kadib markii au durba soo ifbexeen caqabado ku gudban ajendaha.

Qorshaha Jubbaland

Waxaa dhowaan la rajeynayaa in dhowaan la qabto doorashada maamulka Jubbaland, taasoo uu madaxweynaha hadda jooga, Axmed Madoobe, uu ka yahay musharrax markale.

Ilaha Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Xasan Shiikh ka gowsqabsaday in uu Axmed Madoobe markale isa sharaxo, balse taasi wuu awoodi waayey inuu toos ugu sheego Axmed Madoobe.

Ilaha ayaa sheegaya in Xasan Shiikh uu arrinta Jubbaland la kaashanayo dowladda Kenya oo la rumeysan yahay inay taageero laf dhabar ah u tahay maamulka Jubbaland.

In qorshaha ka hortagga soo laabashada Axmed Madoobe lagu guuleysto ayaa u baahan in marka hore la kala furfuro isku xirnaanta Kenya iyo Axmed Madoobe.

Ethiopia iyo Puntland

Dowladda Federaalka ayaa hadda u taagla’ kadib markii Puntland oo xiriirka u jartay Muqdisho ay xiriir la yeelatay dowladda Ethiopia oo ay isku xun yihiin maamulka Xasan Shiikh.

Cabsida weyn ayaa ah in Jubbaland oo ku biirta mucaaradka, kuna xiran Kenya ay caqabad kale ku noqon karto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News