Laascaanood (Kaab TV) – Tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood, xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay la sheegaya in ay bedeshay qorshaheedii weerar ee magaalada Laascaanood.
Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in xuddunta qorshaha cusub ee Somaliland uu yahay waddada Yagoori ilaa Dhooddi oo hadda ay sahaydu u soo marto ciidamada Somaliland. Nin lagu magacaabo Mahad Cambaashe oo isagu u xil-saaran ilaalinta sahayda ayaa waxaa loo dhiibay fulinta qorshahan cusub.
Sahayda uu Mahad Cambaashe soo gudibnteeda u xil-saaran yahay ayaa waxaa loo soo wadaa Tukaraq oo ah meesha ay Somaliland weerarka kaga soo qaadayso magaalada Laascaanood.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in isbeddelka qorshaha dagaal uu sababay sida uu maamulka Muuse Biixi u fasirtay war-murtiyeedkii kasoo baxay Puntland, kaasi oo ay ku cadeysay inaysan qeyb ka aheyn dagaalka ka socda Laascaanood.
Somaliland waxay u aragta hadalka Puntland mid u fududeynaya inay hub, saanad iyo ciidan ku soo urursato si ay u soo weerarto magaalada iyo kuwa kale ay isku hayaan maamulka.
Mahad Cambaashe oo ah ninka Somaliland u xil-saartay qorshaha cusub ayaa waxa uu durba dhaleeceyn xoogan kala kulmaya beeshiisa, ayaga oo sheegay in shaqada hadda uu hayo ka halis badan tahay tii uu hayay markuu Laascaanood joogay.
Mahad Cambaashe halis weyn ayuu beeshiisa galinayaa haddii uu shaqada sahay ilaalinta sii wado waayo dagaalku wuu sii daba-dheeranayaa maadaama hal beel oo Laascaaood degta ay dagaal kula jirto beelo badan oo isku hayb ah,” ayuu yiri nin la hadlay warbaahinta gudaha oo ku sugan Laascaanood.
Masuul hore uga tirsanaa golaha deegaanka degmada Laascaanood oo isaguna arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Halista qorshaha Tukaraq haddii aan laga hortagin oo aan lagu baraarugin, waxaa dhici doonta isir sifayn uu Muuse Biixi ku taamayo.”
Saraakiisha ciidamada Somaliland ayaa xiligaan ujeedkooda ugu weyn uu yahay in dagaal uusan ka dhicin galbeedka Sool, dhulkaasi oo uu saadku u soo maro ahna meesha ay ciidamada Somaliland ka hagayaan qorshaha dagaalka Laascaanood.