SO | EN

SO | EN

Maxaa qabsaday Shabaabkii saaka weeraray Sabiib kadib markii ay ka laabteen

|

Muqdisho (Kaab TV)Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay weerarkii ay Al-Shabaab saakay waaberigii hore ku qaadeen degaanka Sabiid ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in kadib weerarkaas la fuliyey howlgal ay iska kaashadeen NISA iyo saaxiibada caalamka, islamarkaana lagu dilay ugu yaraan 18 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

In ka badan 18 ka tirsan Khooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ay ka sameeyeen deegaanka Sabiib ee gobalka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xilliga la beegsaday kooxdaan waxay la socdeen gaari nooca xamuulka qaada ah, sida lagu cadeeyay qoraalkaan, waxaana la beegsaday markii ay ka laabteen weerarkii ay ku qaadeen degaanka Sabiib.

Khooxdaan oo lagu beegsaday gaari nuuca loo yaqaano Dhaynada iyo Geedo hoostooda, ayaa waxay qayb ka ahaayeen maleeshiyaadkii saakay aroortii ku jabay weerar ay doonayeen inay ku qaadaan xero ciidanka Qaranka ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib,” ayaa qoraalka dowladda lagu yiri.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in dhammaan maleeshiyaadkii saarnaa Gaariga la beegsaday iyo kuwii kale ee ku jiray dhulka keynta ah lagu laayay howlgalkaan.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ugu yaraan seddax goobood ku weerartay ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana ka fashilmay weerarrada qaar.

Degmada Afmadow oo weerarkeeda ay ku fashilmeen, degaanka Sabiib oo hoos taga degmada Afgooye iyo degaanka Ceelbacad oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Sh/Dhexe ayay maanta kaliya weerareen Al-Shabaab.

In kastoo Jimcihii shalay jab lixaad leh Al-Shabaab loogu geystay dagaal ka dhacay gobolka Mudug oo looga dilay in ka badan 100 xubnood, hadana waxaa gaabis noqday duulaankii ciidanka dowladda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News