SO | EN

Doorashooyinka UK: Xisbiga Conservative-ka oo guuldarro la kulmay, iyo dowlad mucaarad ah oo la filayo

|

LONDON, UK (KAAB TV) – Xisbiga muxaafidku ee Conservative-ka ee uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ayaa guuldarro weyn dhabarka loo saaray ka dib markii natiijadii doorashada golayaasha deegaanka ee la soo gabagabeeyay ay badi kuraasta qaateen xisbiga mucaaradka ee Labour.

Waxaa lagu tilmaamay guuldarradii ugu xumayd muddo sanado ah ee soo gaarta xisbiga Conservative-ka.

Doorashooyinka golayaasha deegaanka

Waxaa la doortay in ka badan 2,500 kuraasta xildhibaannada golaha deegaanka. Illaa 107 gole deegaan oo ka mid ah 317 deegaan ee dalka oo dhan ayaa la doortay.

In ka badan 91 gole deegaan ayaa la xaqiijiyay inay natiijada guusha ku raacday xisbiga Shaqaalaha ee (Labour).

Tan ayaa u dhiganta in guud ahaan xisbiga muxaafidka ee Conservatie-ka uu lumiyay illaa 500 oo kursi marka dhammaan codadka la tiriyo, iyada oo Labour-ku uu ku sii fiday aagagga markii hore labada xsibi ku tartami jireen.

Xisbiyada yar yar sida Liberal Democrats, Greens iyo tartamayaal aan wax xisbi ku jirin ayaa sidoo kale codad muhiim ah ku guuleystay kuraasta golayaasha deegaanka ee deegaanada ay dadka Muslimiinta u badan yihiin.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in tani ay sababtay colaadda Gaza oo xisbiga Shaqaaluhu ku dhiiran waayay in xabbad joojin ay ugu baaqaan Israel, halka xisbiga muxaafidka ee Conservatie-ka loo arkay inuu taageero u ahaa maamulka Israel.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labour, Sir Keir Starmer.
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labour, Sir Keir Starmer.

Sababtan ayaa la sheegay inay xisbiyada yar yar – oo hore u muujiyay taageeradooda dadka reer Falastiin – ay siisay fursad ay codad kaga helaan dadka Muslimiinta, iyo musharrixiintooda Muslimiinta ah.

11 duq magaalo oo la doortay 

Ka sokow golayaasha deegaanka, waxaa la doortay illaa 11 duq magaalo oo ah madaxda hoggaamin doonta magaalooyinka waaweyn.

Natiijada ayaa noqotay in xisbiga Shaqaalaha uu ku guuleystay 10 magaalo.

Caasimadda London oo ka mid ah meelaha ugu muhimsan ayaa waxaa markale xilka duqa magaalada ku soo laabtay Sadiq Khan oo ah nin Muslim ah oo asalkiisu Pakistan kasoo jeeda.

Magaalooyinka kale sida Manchester iyo Liverpool ayaa sidoo kale waxaa hoggaanka u haya xisbiga Shaqaalaha oo hadda ah mucaaradka ugu weyn.

Saameynta doorashooyinka guud

Britain waxaa la rajeynayaa in ay ka dhacdo doorashada guud dhammaadka sannadkan 2024.

Dad badan oo ka faalooda doorashooyinka iyo siyaasadda ayaa hadda sheegaya in natiijada doorashooyinka golayaasha deegaanka ay tusaale cad u noqon karto sida ay noqon karto natiijada doorashada guud ee dalka.

Ra'isul Wasaare Rishi Sunak, ahna hoggaamiyaha xisbiga muxaafadka ee Conservative-ka.
Ra’isul Wasaare Rishi Sunak, ahna hoggaamiyaha xisbiga muxaafadka ee Conservative-ka.

Xisbiga Shaqaalaha ayaana la filayaa inuu si lixaad leh ugu guuleysto doorashada hoggaanka dalka, taasoo ka dhigan in Ra’isul Wasaaraha soo socda uu noqon doono hoggaamiyaha Xisbiga Labour-ka Sir Keir Starmer.

Intaas oo kaliya ma ahan, ee waxaa sidoo kale ay doorashadan furi doontaa buuq siyaasadeed oo xisbiga Conservatie-ka dhexdiisa, iyadoo haddaba Ra’isul Wasaare Rishi Sunak uu wajahayo mucaaradad hoggaamineed oo ku dhow in laga wareejiyo hoggaanka xisbiga maadaama ay saaxiibadiis iyo taageerayaashuba ku eedeynayaan inuu xisbiga u horseeday jab doorasho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News