Mareykanka oo la sheegay inuu ka baxay saldhigga Baledogle

|

Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay inay isaga baxeen saldhigga milatari ee Baledogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo muddo dheer ahaa xarun muhiim u ah howlgalada Mareykanka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sida uu qoray wargeyska Stars and Stripes, dhammaan ciidamada Mareykanka ayaa dhowaan ka baxay garoonka diyaaradaha milatariga ee Baledogle, oo qiyaastii 96 kiiloomitir waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Saldhigga Baledogle ayaa door muhiim ah ku lahaa howlgalada sirdoonka, taageerada ciidamada Soomaaliya iyo tababarka ciidamada la dagaallama Al-Shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) si cad uma xaqiijin, mana beenin wararka sheegaya in ciidamadu ka baxeen saldhigga. Afhayeen u hadlay taliska ayaa sheegay in sababo la xiriira amniga howlgalada aysan faahfaahin ka bixin karin dhaqdhaqaaqyada ciidamada.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Mareykanka mararka qaar dib loogu meeleeyo goobo kale oo ku habboon fulinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Weli lama oga halka loo wareejiyey ciidamada
Ilaa hadda lama shaacin tirada ciidamada Mareykanka ee ka baxay Baledogle iyo goobta loo wareejiyey. Sidoo kale, ma cadda in bixitaanku yahay mid ku-meel-gaar ah ama qayb ka ah qorshe ballaaran oo dib loogu habeynayo joogitaanka milatari ee Mareykanka ee Soomaaliya.

Haddii warkani si rasmi ah u xaqiijiyo, wuxuu noqon karaa isbeddel muhiim ah oo ku yimaada joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, maadaama Baledogle uu muddo dheer ahaa mid ka mid ah saldhigyada ay ka fuliyaan taageerada milatari iyo howlgalada la xiriira la-dagaallanka Al-Shabaab.

DHEERAAD:  Khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedka ka socda deegaanka Jiicboor ee Gobolka Mudug

Saldhigga Baledogle wuxuu ka mid yahay xarumaha milatari ee muhiimka u ah iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka. Waxaa loo adeegsaday tababarka ciidamada Soomaaliya, taageerada howlgalada amniga iyo hawlaha la xiriira la-dagaallanka Al-Shabaab.

Goobtan ayaa sidoo kale muhiim u ahayd howlgalada cirka iyo taageerada ciidamada Soomaaliya marka ay qaadayaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sannadkii 2019-kii, saldhigga waxaa weerar ku qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Weerarka ayaa ku billowday qarax gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana xigay dagaal dhexmaray kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada Mareykanka iyo Soomaaliya.

Weerarkaasi wuxuu muujiyey muhiimadda amni ee saldhigga iyo sida uu bartilmaameed ugu yahay kooxda Al-Shabaab.

Bixitaanka la sheegay ayaa kusoo beegmaya xilli Mareykanku sannadihii u dambeeyey maalgelin ku sameynayey horumarinta kaabayaasha saldhigga Baledogle.

Maalgelintaas waxaa ka mid ahaa dhismaha xarumo caafimaad, hoyga ciidamada iyo xoojinta amniga saldhigga, si loo hagaajiyo awoodda uu u leeyahay inuu noqdo xarun muhiim u ah howlgalada Mareykanka ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa dhalinaysa su’aalo ku saabsan sababta isbeddelka loo sameeyey, gaar ahaan iyadoo hore loo sameeyey maalgashi lagu xoojinayey joogitaanka iyo awoodda saldhigga.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga in bixitaanka ciidamada uu la xiriiro qorshe cusub oo Mareykanku ku doonayo inuu ku beddelo qaabka uu uga qeybqaato howlgalada Soomaaliya.
Isbeddellada joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya
Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer isbeddelay sannadihii u dambeeyey.

Dhammaadkii sannadkii 2020-kii, madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Donald Trump ayaa amar ku bixiyey in Soomaaliya laga saaro ku dhowaad 700 oo askari oo Mareykan ah, kuwaas oo qeyb ka ahaa howlgalada taageerada iyo la-dagaallanka Al-Shabaab.

Bishii May 2022-kii, madaxweynihii xigay Joe Biden ayaa oggolaaday in boqolaal askari oo Mareykan ah dib loogu soo celiyo Soomaaliya, si loo xoojiyo iskaashiga amni iyo taageerada ciidamada dowladda Soomaaliya.

DHEERAAD:  Israa’iil oo sheegtay inay xoojinayso xulafada Somaliland xilli ay walaac ka muujisay difaaca ee Bariga Dhexe

Ciidamada Mareykanka ayaa door ka qaatay tababarka ciidamada Soomaaliya, la-talinta, taageerada sirdoonka iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Haddii bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Baledogle uu noqdo mid rasmi ah oo aan lagu beddelin xarun kale, waxaa muhiim noqonaya in la ogaado sida loo sii wadi doono taageeradii uu saldhiggu siin jiray ciidamada Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka waxay qeyb ka ahaayeen taageerada dhinacyada sirdoonka, tababarka iyo howlgalada cirka. Sidaas darteed, isbeddel kasta oo ku yimaada joogitaankooda wuxuu saameyn ku yeelan karaa habka loo fuliyo qaar ka mid ah howlgalada amni.

Dhanka kale, haddii ciidamada loo wareejiyey saldhigyo kale, taasi macnaheedu ma aha in Mareykanku gebi ahaanba joojiyey taageerada uu Soomaaliya siiyo.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News