Muqdisho (KAAB TV)- Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Afrika ayaa soo gabagabeeyay socdaalkooda qiimeynta ah ee ay ku joogeen Soomaaliya, iyagoo wacad ku maray inay ilaalinayaan guulihii adkaa ee laga gaaray xasilinta Soomaaliya, ka hor bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay madaxa qeybta howlgallada taageerada nabadda, Cheick Dembele, ayaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyay in aysan jiri doonin fawdo amni, kaddib markii uu bishii December ka baxay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
“Waa inaan ka dhignaa si xirfadeysan oo habeysan si aysan u dhicin fawdo amni, guulihii la helay 17-kii sano ee aan joognayna aysan lumin,” ayuu Dembele ku yiri hadal uu ka soo saaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya fiidnimadii Axadda. .
Guddi saddex geesood ah, oo ka kooban ATMIS, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), iyo dowladda Soomaaliya, ayaa xaqiijin doona in si habsami leh loogu wareejiyo mas’uuliyadaha amniga ee ciidamada ammaanka Soomaaliya, ayaa lagu yiri bayaanka.
Ujeedada socdaalka wafdiga ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay qiimeyn istaraatijiyad ah ugu sameyn lahaayeen si ay gacan uga geystaan qaabka habsamida leh ee mas’uuliyadaha amniga loogala wareegayo ATMIS laguna wareejinayo ciidamada amniga Soomaaliya iyo sidii loo dhisi lahaa howlgalka taageerada nabadda ee Midowga Afrika ee ATMIS-ka kadib.
Wafdiga ayaa la filayaa in ay u gudbiyaan warbixin qiimeyn iyo qorshe ah oo dhameystiran oo ay u gudbinayaan golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika oo qeexaya qaab-dhismeedka amniga ATMIS-ka kadib.
“Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa kulmi doona si ay u tixgaliyaan warbixinta howlgalkeenna oo leh fikrad istaraatiijiyadeed oo hawlgallo ah si loo xaqiijiyo in si habsami leh loola wareego howlgalka cusub ee aan kala go’a lahayn ee u dhexeeya ATMIS iyo qabanqaabada ammaanka ATMIS-ka dambe,” ayuu yiri Dembele.
ATMIS ayaa soo gabagabeysay wajigii koowaad iyo labaad ee dhimista ciidamo gaaraya 5,000 oo askari, waxaana ay 13 saldhig oo ciidan ku wareejisay ciidamada nabad sugida Soomaaliya.
4,000 oo askari oo dheeraad ah ayaa la filayaa in laga saaro Soomaaliya dhamaadka bisha June, ka hor inta aan la gaarin dhamaadka December, sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2710, kaas oo la ansixiyay 2023.
Waxaa jira qorshayaal lagu dhisayo ciidan ka dambeeya ATMIS si ay gacan uga geystaan ilaalinta xarumaha istiraatiijiga ah ee dadka, xarumaha Qaramada Midoobay iyo xarumaha muhiimka ah ee dawladda.