Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed oo howlgallo lagu baacsanayo Al-Shabaab ka wada deegaano hoostaga magaalada Baydhabo .

|

Baydhabo (KAAB TV) –  Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay deegaano hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sida ay ilo-wareedyo kala duwan oo ku dhow dhow u sheegeen warbaahinta Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa saacadihii ugu dambeeyay kormeeray qaar ka mid ah fariisimaha ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Baydhabo.

Ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa daraawiishta ayaa howlgalladan xoogga saaray, waxaana maalmihii ugu dambeeyay ay gacanta ku soo dhigeen rag la sheegay in ay ka tirsanaayeen kooxda ‘AS’.

Gobollada Bay iyo Bakool waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay si wadajir ah u wadaan ciidamada dowladda Federaalka, iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in dowladdiisa ay sii wadi doonto dagaalka guud ee ka dhanka ah Al-Shabaab inta laga gaarayo guul. Labadii sano ee la soo dhaafay, ciidamada ammaanka ayaa horumarro la taaban karo ka sameeyay la dagaallanka Al-Shabaab, taasoo keentay in ay isa soo dhiibaan dagaalyahanno badan oo ka tirsan kooxda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News