GAROOWE (KAAB TV) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga horjeestay go’aanada shirka madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada ee Jimcihii lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.
Shirkaasi kama qeybgalin Puntland.
Madaxweyne Deni oo ka hadlay shirka Jiheynta Xukuumadda Puntland oo Garoowe ka furmay Sabtida ayaa ku tilmaamay go’aamada kasoo baxay Shirka Madasha ee Xamar kuwo ‘marin habaabin ah’ oo aysan Puntland qeyb ka ahayn, isla markaana ay ka xun tahay Puntland.