Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay oo ay ka wada hadleen arrimo siyaasadeed.

|

MOGADISHU (KAAB TV) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Muqdisho kula kulmay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), Raisedon Zenenga.

Wasiirka ayaa ka hadlay horumarada laga gaaray dhinacyada amniga iyo siyaasadda iyo wada shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Kulanka ayaa lagu lafa guray habab iyo qaab-dhismeed lagu dhisayo guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ka kala socda Soomaaliya iyo QM, kaasoo ka shaqeyn doona hannaanka kala guurka ee la qorsheynayo in lagu gaaro xafiiska Qaramada Midoobay.
Bishan, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa James Christopher Swan u magacaabay ku simaha ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM).

Swan waxa uu u ahaan doonaa wakiil gaar ah “muddo ku meel gaar ah ka dib bixitaankii Catriona Laing ee Boqortooyada Ingiriiska, taas oo uu Xoghayaha Guud uga mahadcelinayo adeeggeeda gaarka ah ee UNSOM iyo Soomaaliya waqti adag,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobay. la sii daayay Talaadadii.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News