MUQDISHO (KAAB TV) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 33-aad ee ka soo wareegatay maalintii xorriyadda dalka Eritrea u gudbiyay dowladda iyo shacabka Eritrea.
Dhambaalkiisa hambalyada ah ayaa madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu caafimaad u rajeeyay madaxweyne Isaias Afwerki, shacabka Eritrea nabad iyo barwaaqo.
Eriteriya iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo ay ku jiraan gaashaandhigga, amniga, diblomaasiyadda iyo siyaasadda. isfahamka labada hoggaamiye waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga. Waxa kale oo ay isla garteen in la xoojiyo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka siyaasadeed, ilaalinta iyo horumarinta danahooda qaranka, korna loo qaado xidhiidhka ka dhexeeya dalalkooda iyo dadkooda.
Eritrea ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxaana ay tababartay kumannaan ka tirsan ciidamada Soomaaliya iyadoo inta badan ciidamada milateriga ay heleen tababar joogto ah oo gaar ah oo ay ku jiraan ciidamada badda iyo sidoo kale cutubyo makaanis ah oo ku sugan dalka Eritrea.