Mogadishu (KAAB TV) – Duqeymo dhanka cirka ah oo Mareykanka uu Jimcihii la soo dhaafay ka fuliyay deegaan ku dhow deegaanka Dhaardaar ee Soomaaliya ayaa lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Daacish, sida uu sheegay Taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM. Howlgalka ayaa waxaa kala kaashaday dowladda Soomaaliya.
AFRICOM ayaa sheegtay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah, iyagoo carrabka ku adkeeyay in la qaaday tallaabooyin ballaaran oo looga hortagayo in la dhibaateeyo dadka aan dagaalka ahayn.
“ISIS waxa ay fulisay weeraro badan oo caalami ah, oo ay ku jiraan weeraro argagixiso oo ka dhacay Afrika, Yurub, Bariga Dhexe, iyo Aasiya, dhammaan iyada oo sii wadda shirqoollada ka dhanka ah dalka Maraykanka iyo shaqaalaha iyo danaha caalamka, iyo sidoo kale la-hawlgalayaasha gobolka, iyo kuwa kale oo caalami ah.” AFRICOM ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay. “Soomaaliya waxay weli udub dhexaad u tahay deegaanka ammaanka ee Bariga Afrika, Ciidamada Taliska Mareykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababarada, la-talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada si ay u hoos u dhigaan Daacish,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.
Duqeymahan cirka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada ay wadaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ee lagula dagaalamayo kooxaha xagjirka ah ee gobolka. Dhawaan AFRICOM ayaa beenisay in ay ku lug lahaayeen howlgal 26-kii bishan ka dhacay Buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag ee Soomaaliya. Howlgalkaas, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya, waxaa lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, oo ay ku jiraan saddex hoggaamiye oo muhiim ah. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaa ku khilaafay sheegashadaas, iyagoo sheegay inay gacanta ku hayaan deegaankaas, waxayna beeniyeen inay dowladda federaalka ku lug leedahay weerarka.
Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya ee loo yaqaan Daacish-Somalia ayaa noqotay mid khatar weyn ku ah amniga Soomaaliya oo markii horeba aan hagaagsanayn. Kooxdan oo uu hogaamiyo Cabdul Qaadir Muumin oo horey uga mid ahaa wadaadada Al-Shabaab ayaa soo shaac baxay bishii October ee sanadkii 2015 markii garab ka mid ah Al-Shabaab ay ka goosteen isla markaana ay ku biireen ururka Daacish oo ay u balan qaadeen in ay daacad u yihiin Abuu Bakar Al-Baqdaadi.
Xiriirka ka dhaxeeya Daacish-Soomaaliya iyo Al-Shabaab waxaa astaan u ah xifaaltan iyo colaad. In kasta oo labada kooxoodba ay wadaagaan ujeeddooyin fikradeed oo isku mid ah, tartanka kheyraadka, kuwa la qorayo, iyo gacan ku haynta dhulka ayaa horseeday isku dhacyo rabshado wata. Al-Shabaab, ayaa u arka Daacish-Soomaaliya inay khatar ku tahay maamulkeeda, waxayna si firfircoon u dooneysay inay meesha ka saarto joogitaankooda gobolka.
Hawlgalka ugu horrayn ee gobollada waqooyi ee Puntland, ayaa Daacish-Soomaaliya waxa ay ka geysatay weeraro badan oo arxan darro ah, oo ay ku jiraan dilal qorsheysan, qaraxyo ismiidaamin ah iyo weeraro ay ku qaadeen ciidamada ammaanka iyo dadka rayidka ah. Inkasta oo ay saldhig ku leeyihiin buuraha Galgala, haddana dhaqdhaqaaqooda waxa uu gaaray koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.