Mogadishu (KAAB TV) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa Koontarool kasta oo Muqdisho ku yaalla geyn doona Eeyo baara qaraxyada, si amniga loo adkeeyo, loogana hortago waxyaabaha qarxa, sida uu sheegay Afhayeenka C/fitaax Aadan Xasan.
Xasan ayaa ku dhawaaqay in eeyaha ay si gaar ah ugu tababaran yihiin urinta walxaha qarxa, iyagoo siinaya lakab dheeraad ah oo ammaan ah oo laga yaabo in hababka dhaqanka ay waayaan. Waxa uu shacabka u xaqiijiyay in eeyaha aysan wax khatar ah geysan, isaga oo carabka ku adkeeyay doorkooda ku aadan xaqiijinta amaanka. Waxa uu sidoo kale xusay in Soomaalida ay muddo dheer u adeegsan jireen Eeyaha ilaalinta beerahooda iyo guryahooda.
“Eeydu waa lagama maarmaan Muqdisho, 2025-ka, waxaan rajaynaynaa in isbaaro walba ay yeelato Ey heegan u ah, hubinta habsami u socodka gaadiidka iyo baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo qof kasta oo laga shakiyo,” ayuu yiri Xasan.
Go’aankan ayaa waxa uu daba socdaa eeyo dhawaan lagu tijaabiyay Isgoysyada Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo baarayay gaadiidka dadweynaha. Iyadoo qaar ka mid ah dadka deegaanka ay walaac ka muujiyeen eeyaha oo taabta alaabtooda xilliyada la baarayo, ayaa haddana booliisku waxay sheegeen in eeyaha ay muhiim u yihiin ammaanka.

