MUQDISHO (KAAB TV) – Warbaahinta madaxabanaan ayaa maanta si buuxda u qaadacday shirwayne ay wasaaradda warfaafintu ku qabanaysay hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho.
Wariyayaasha iyo kaamaramaanada ayaa hal mar isaga huleelay hoolkii shirku ka socday kadib go’aano ka soo baxay madaxda warbaahinta madaxabanaan.
Shirkaan ayay wasaaradda warfaafintu uga gol lahayd sidii indhaha ra’yul caalamka uga jeedin lahayd ceebta iyo fadeexada ay dhexdabaalanayso.
Markii warbaahintu ay ka baxday hoolka shirku ka socday, ayaa waxaa la arkayay xubno ka tirsan golaha wasiirada oo iyaguna isaga baxay hoolka.
Warbaahinta madaxa banaan oo dhawaan ku dhawaaqday gole loogu madacdaray ” GOLAHA WARBAAHINTA MADAXABANAAN” ayaa u aragta in madaxda wasaaradda warfaafintu ay wadaan qorshe ay ku caburinayaan saxaafadda madaxabanaan, taasina waxaa ay isku mawqif ka dhigtay milkiilayaasha iyo madaxda warbaahinta oo mudaba ku shaqaynayay dhibaatooyin ay kala kulmayeen DFS.

