Madaxweynaha Galmudug Oo Magacaabay Wasiiro Cusub{AKHRISO}

|

Galmudug (KAAB TV) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qor ayaa xalay soo saaray liis uu ku magacaabay saddex wasiir, labo Wasiiru dowle iyo hal wasiir ku xigeen oo ka mid noqon doona liiska xukuumadiisa.

Madaxweyne Qorqor waxa uu tilmaamay in Wasiirada cusub ee la magacaabay ay yihiin kuwo baahi weyn loo qabay maadaama ay la imaan doonaan khibrado kala duwan iyo khibrado kala duwan oo ku aadan xilalkooda sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu faray Wasiirada in ay gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday ayna ka shaqeeyaan horumarinta Dowlad Goboleedka Galmudug sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qor.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News