Xeerar adag oo ku saabsan imtixaanada qaran ee dugsiyada sare ee Soomaaliya bisha June 2024.

|

MUQDISHO (KAAB TV) –  Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa sheegtay in imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2023-2024 uu furmi doono 22-ka June 2024. Arday lagu qiyaasay 37,200 oo arday oo ku kala nool dalka oo dhan. la filayo inuu ka qayb galo.

Wasaaradda ayaa sanadkan soo saartay sharciyo adag oo lagu xaqiijinayo habsami u socodka imtixaanada. Hadal uu jeediyay wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare Nuura Mustaf Mukhtaar ayuu ku sheegay in dowladdu ay qorsheyneyso in imtixaanaadka laga qaado gobollada dhawaan laga saaray Khawaarijta, taasoo muujineysa sida ay uga go’an tahay ballaarinta fursadaha waxbarasho.

Wasaaraddu waxay u xilsaaran tahay diyaarinta iyo u qaybinta agabka imtixaanaadka meelo kala duwan, sida gobolka Banaadir iyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News