SO | EN

Faahfaahin: Khasaaraha dagaalka Laandheer iyo Galmudug oo ka hadashay

|

DHUUSAMAREEB (KAAB TV) – In ka badan 15 ruux oo uu ku jiro sarkaal boolis ayaa ku geeriyooday dagaal culus oo subaxnimadii Sabtida ka qarxay deegaanka Laandheer oo u dhexeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo u dhexeeya maleeshiyo beeleed kasoo jeeda qabiillada Mareexaan iyo Dir ayaa sida la sheegay salka ku haya mutan hore oo la xiriira lahaanshaha ceel biyood iyo deegaan ay wada deegaan qabaa’ilka.

Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa ku tilmaamay dagaalka mid nasiib darro ah oo khasaare xooggan geystay.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa adeegsanaya hubka culus iyo gawaarida tiknikada. Waxaana la sheegayaa in ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug oo kasoo kala jeeda labada beelood ay ka qeybqaateen.

Taliyaha booliska degmada Caabudwaaq ayaa la xaqiijiyay inuu ka mid noqday dadka ku dhintay dagaalka. Saxafiyiinta ayaa sheegaya in meydka ku dhintay colaadda ay goobta yaaleen illaa gelinkii danbe ee Sabtidii.

Wasiirka amniga maamulka Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan, ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo, isla markaana dhinacyada colaadda u dhexeyso ay isugu yimaadaan wada hadal.

“Waxaan aad uga xunahay dagaalka kasoo cusboonaaday deegaanka Laandheer. Wax maanta la filaayey ma ahan, wax lasoo celin karana ma ahan. Madaxweynaha ayaa hore uga hadlay oo gogol nabadeed ugu baaqay,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidan goobta u aaday inay kala dhexgalaan kooxaha dagaalamaya la beegsaday, oo la laayay.

Wariyaasha ku sugan deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka illaa gelinkii danbe uu socday. Waxaana jira dhaawacyo la geeyay isbitaallada Cadaado iyo Caabudwaaq.

Hanjabaad ka dhan ah garoonka Caabudwaaq

Mid ka mid ah dhinacyada dagaalka ku lugta leh ayaa sheegay inay xireen garoonka diyaaradaha Caabudwaaq oo aad ugu dhow halka uu dagaalku ka socdo.

Garoonka ayaa maalin kasta qaabila diyaaradaha maxalliga ee ka yimaada Muqdisho.

Ilo wareedyo ku sugan Caabudwaaq ayaa Kaab TV u sheegay in halis weyn ay ka dhalan karto haddii maleeshiyaadka dagaalamaya oo heysta hubka lidka diyaaradaha ay beegsadaan duulimaadyada rayidka ee ku soo dega garoonka.

Dhanka kale, culimo ku sugan magaalada Cadaado ayaa soo saaray baaq ay ku dalbanayaan in dhinacyada dagaalamaya ay dirirta joojiyaan, iyagoo maamulka Galmudug ugu baaqay inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran joojinta colaaddan.

Dagaallada qabiilka oo dhimasho badan keenay ayaa waayadan danbe ku soo badanaya gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya taasoo loo aaneynayo hubka xad dhaafka ee gacanta ugu jira malleeshiyaadka qabiilada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News