BALCAD (Kaab TV) – Abaare 03:25 subaxnimo saaka oo Axad ah, ayaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Burundi ay ku leeyihiin degmada Balcad oo 30km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho.
Ciidamada Burundi ee ATMIS-ka ayaa ku jawaabay hub culus oo socday muddo 25 daqiiqo ah; Ilaa hadda ma cadda inay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Kolonyo la weeraray
Sidoo kale, isla maanta ayaa maleeshiyaad hubeysan waxay weerar ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah oo ku sii jeeday magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka ugu yaraan 3 gaari oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa ku burburay weerarka, waxaana weerarka uu ka dhacay deegaan ku dhow Gololey oo dhanka waqooyi kaga beegan degmada Balcad.
Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ayaan ka hadlin weeraradan illaa hadda.
Kooxda Al-Shabaab ayaa faafisay in gawaarida ay weerareen ay wadeen sahay ciidan.
Weeraradan ka dhacay Shabeelaha Dhexe ayaa daba socda weerar khasaara badan dhaliyay oo Sabtidii shalay ka dhacay magaalada Bardaale ee gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo Al-Shabaab ay ku dileen taliye ciidan.

