Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro, ayaa si kulul uga hadlay dhawaaqa dowlada soomaaliya ee ah in ciidamo ka tirsan kuwa soomaaliya ay fariisin ka dhiganayaan deegaano ka mid ah gobolka sool oo haatan ah maamulka waqooyi bari.
“Waxaan maqlaynaa in xukuumadda muqdisho oo maanta markale kuy faaneysa ciidamada qeybta 26aad ayaan dib u dhisnay, oo fariisin ka dhiganaya gobolka sool bari,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro oo maanta ka hadlay munaasabadda aas-aaska sannad-guurada ciidanka booliska Somaliland.
Cirro wuxuu tallaabadaasi ku tilmaamay mid muujineysa “tallaabada xasuuq raadiska ee xasan sheekh” sida uu yiri.
Madaxweyne Cirro ayaa digniin u diray soomaaliya, isagoo ku goodiyay in ciidamada somaliland ay awood u leeyihiin inay hubka iyo qalabka ay dowladaha ajnabiga siiyeen soomaaliya ay kala wareegaan.
Wuxuu tusaale u soo qaatay in somaliland shacabkeeda oo aan hub badan haysan ay dagaallameen dowladdii militariga ee soomaaliya, sida uu yiri, ayna ka guuleysteen.
Wuxuu cirro yiri “waxaan rajaynaynaa talada soomaaliya ee qar iska-tuurka ah ay noqoto fursad ay ciidamadayadu ku heli doonaan hubka iyo casriga dalal waaweyn ee dunida ka mid ah sida xad dhaafka ugu soo dal-dalayaan Soomaaliya.”
Wuxuu sheegay in hubkii soomaaliya la siiyay haatanba qaar badan gacanta u galay kooxaha argagixisada.
Cirro ayaa ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya inay “colaad iyo nabadgelyo darro” ka abuureyso Somaliland oo xasilooni ay ka jirto, isagoo dunida u sheegay inay arrinkaa ka warhayaan.
Hadalkan madaxweynaha somaliland ayaa yimid iyadoo dhowaan deegaanada gobolka Sool la sheegay in lagu arkay ciidamo hubeysan oo la sheegay inay hoostagaan dowladda soomaaliya kywaas oo lagu sheegay inay ka tisan yihiin Taliska 26aad ee ciidamada Soomaaliya.
Gobolka sool, oo ay somaliland sheegato, haatana u kala qeybsan somaliland iyo maamulka waqooyi bari ee soomaaliya ayaa ka mid ah dhulakla ay xasaraduhu ka jiraan, halkaas oo ciidamada somaliland iyo kuwa maamulka laascaanood ku dagaalameen sannadkii 2023.

