MUQDISHO, (Kaab TV) – Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada Galmada ee Colaadaha, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay carrabka ku dhufatay baahida loo qabo ilaalin weyn oo loo qabo daryeelka caafimaadka iyo shaqaalaha bini’aadantinimada ee caawiya kuwa ka badbaaday rabshadaha galmada la xiriira.
“Haweenka iyo Gabdhaha Soomaaliyeed waxay weli la kulmaan tacadiyo badan oo dhanka galmada ah, gaar ahaan meelaha ay colaadaha iyo amni-darrada ka jiraan, marka ay xirfadlayaasha caafimaadku ka howlgalaan deegaannadaas, waxay bixiyaan daryeel caafimaad oo ay aad ugu baahan yihiin, iyagoo inta badan naftooda halis geliya.” ayuu yiri James Swan oo ah ku simaha ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
“Sannadkan, 19-ka Juun, waxaan bogaadinayaa shaqaalaha caafimaadka ee caawiya dadka ka badbaaday kufsiga, iyo noocyada kale ee xadgudubyada galmada, waxaanan ku baaqayaa in la xoojiyo ilaalinta dhammaan kuwa siiya daryeelka muhiimka ah kuwa u baahan,” Swan ayaa intaas ku daray.
Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), ugu yaraan toban shaqaale caafimaad ah ayaa ku dhaawacmay weerarrada jilayaasha aan dawliga ahayn ee xarumaha daryeelka caafimaadka intii u dhaxaysay 1 Janaayo 2023 iyo 31 May 2024 – tiro la rumeysan yahay in si weyn loo soo sheegay.
Laga soo bilaabo 2015, Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada Galmada ee Colaadaha ayaa la xusaa sanad walba 19ka Juun, taasoo calaamad u ah aqoonsiga Golaha Ammaanka ee xadgudubka galmada inay yihiin hub dagaal iyo khatar ku ah nabadda iyo amniga caalamiga ah.