SO | EN

SO | EN

LAASCAANOOD: Muna iyo Rowda oo markii ugu horreysay galaya imtaxaanka dugsiyada sare ka dib sannad qax iyo colaad ahaa

|

LAASCAANOOD (KAAB TV) – Magaalada Laascaanood oo sanadkii 2023-ka ay ka dhaceen iska hor imaad muddo sanad ah ka socday oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC-Khaatumo ayaa maanta ka mid noqotay meelaha laga galay imtixaanka dugsiyada sare ee dalka.

Muna iyo Rowda oo labaduba ah arday dhigata dugsiyada sare ayaa markii ugu horeysay sanadkan u fariistay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare.

Labadan gabdhood ee dhalinyarada ah ayaa lagu qasbay inay magaalada ka qaxaan iyaga iyo waalidiintooda, laakiin waxay soo noqdeen bishii Sebtembar 2023 ka dib markii ay dhammaatay colaadda, maamul cusubna la dhisay.

Waxa u suurtagashay in ay dhamaystaan ​​waxbarashadoodii dugsiga sare in kasta oo ay hakad ku yimi.

Muna iyo Rowda oo wax laga weydiiyay dareenkooda ku aadan imtixanaadka ayaa waxa ay muujiyeen rajo wanaagsan iyo rajo ay ka qabaan in guul laga gaaro. Labaduba waxay leeyihiin hammi sare oo mustaqbalkooda ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News