HARGEYSA (KAAB TV) – Somaliland ayaa mar kale ka dhiidhisay wax ay ku tilmaantay hadallada soo noqnoqday ee Jabuuti kaga hadleyso heshiiskii is-afgaradka (MOU) ee Somaliland iyo Itoobiya.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan oo Salaasadii shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa ku eedeeyay Jabuuti inay marti-gelinayso koox gooni-u-goosad ah oo loo yaqaanno “Dhaqdhaqaaqa Awdal State” oo ka soo horjeeda Somaliland.
Wasiirku waxa uu carabka ku dhuftay in tan iyo markii heshiiska MOU-da ee Addis Ababa lagu kala saxeexday, ay Djibouti ay shaqo ka dhigatay inay si xun uga hadlaan heshiiska. Waxa uu ka digay xasilooni darada ka jirta xuduudka u dhaxeeya Somaliland,Itoobiya iyo Jabuuti inaanay cidna faa’iido u lahayn.
“Toddobaadkii hore waxa Huteelka Kempinski ee Jabuuti lagu arkayay Madaxdii Dhaqdhaqaaqa Awdal State oo xataa ka qayb-galay xuska maalinta Qaranimada Jabuuti, halkaas oo ay wacad ku mareen inay ka soo horjeedaan maamulka Somaliland oo ay sii wadayaan dagaalka ay ku doonayaan inay gobolka Awdal kaga go’aan Somaliland,” ayuu yidhi Xasan.
Arrintani waxay daba socotaa hadallo ka soo yeedhay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku tilmaamay sida uu uga xun yahay, isaga oo yidhi “ma filayo in Djibouti ay sidaas yeeli doonto,” isaga oo ula jeeday go’aanka marti-gelinta hoggaamiyayaasha dhaqdhaqaaqa ee Djibouti.
Jabuuti waxa ay xuduud la wadaagtaa Somaliland, sidoo kale beelaha reer Awdal ee Somaliland ayaa dega Jabuuti, taas oo soo kordhisay xaalad cakiran oo dhaqdhaqaaqii gobolka.