MUQDISHO (KAAB TV) – Hogaamiyaha maamulka kumeel gaarka ah ee SSC C/qaadir Axmed Aw-Cali ayaa safar shaqo oo muhiim ah ugu ambabaxay dalka Jabuuti kadib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Booqashadan waxay ujeedadeedu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta gobolka iyo taageerada Dowladda Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu sheegay muhiimadda socdaalka weftiga, waxaana lagu yidhi “Muhiimadda socdaalka hogaamiyaha ayaa ah xoojinta walaaltinimada, nabadda, xasiloonida deegaanka iyo taageerada dhismaha dawladnimada Soomaaliya”.
Xubnaha ku wehlin doona hogamiyaha howlgalkaan diblumaasiyadeed ayaa waxaa ka mid ah xubno muhiim ah oo ka tirsan golihiisa Wasiirada, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Wasiirka Biyaha iyo Korontada, iyo la taliyayaal sare. Joogitaankoodu waxa uu hoosta ka xarriiqayaa wada-hadallada la filayo inay qabsoomaan oo dhinacyo badan leh, kuwaas oo diiradda lagu saarayo dhinacyada kala duwan ee maamulka iyo xasilloonida gobolka.
Horey ayaa maamulka SSC Khaatumo ugu eedaysay dawladda Jabuuti inay ku lug leedahay colaadda Laascaanood. Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa si adag u beeniyay eedeymahaas, isagoo sheegay inaysan Jabuuti qayb ka ahayn dagaalka. Booqashadani waxay ka dhigan tahay isbedel ku iman kara xidhiidhka SSC Khaatumo iyo Jabuuti, taasoo fursad siinaysa in wax laga qabto cabashooyinkii hore iyo aasaaska iskaashiga mustaqbalka.
Wada-hadallada ka socda Jabuuti ayaa la filayaa in looga hadlo mowduucyo kala duwan, laga bilaabo amniga gobolka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Xoojinta xidhiidhka SSC Khaatumo iyo Jabuuti waxa ay door muhiim ah ka ciyaari kartaa horumarinta nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Iyadoo hogaamiyaha SSC Khaatumo uu ku guda jiro wada hadaladan heerka sare ah, ujeedka balaadhan ayaa ah taageerada iyo dib u dhiska dawlada Soomaaliya.
Ergadan dublamaasiyadeed ayaa ku soo beegmaysa xili Somaliland ay ku eedaysay Djibouti inay marti galisay jabhad ka soo horjeeda Somaliland balse Djibouti ayaa eedahaas ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

