Garoowe (KAAB TV) – Masuuliyiin kala duwan oo katirsanaa hay’adaha kala duwan ee maamulka Puntland lagana qaaday xilalkii ay horey u hayeen ayaa lagu soo waramayaa in wali heestaan qaarkoodana la baxsadeen gaadiid maamulka uu lahaa, kuwaa oo la doonayay in ay wareejiyaan marka ay shaqada ka tagayeen.
Sidoo kale, qoraal kasoo baxay xafiiska Hantidhowrka maamulka Puntland ayaa lagu shaaciyay in ay jiraan gaadiid badan oo ka maqan gacanta maamulka Puntland, kuwaa oo la sheegay in qaarkood la dhacay, halka kuwa kalana wali si sharcidarro ah ku heestaan masuuliyiin hore.
Dhanka kale, hantidhowrka Puntland ayaana ku amray dadka wali heesta gaadiidka maamulka in si deg deg ah usoo wareejiyaan baaburtaasi inta ka horreysa 16-ka bishan, waxaana ciddii aan ammarka qaadan liiskooda la sheegay in loo gudbin doono laamaha garsoorka iyo amniga si loo soo qabto.


