New York (KAAB TV) – Dowladaha Mareykanka iyo Jarmalka ayaa Arbacadi shalay si wada jir ah ugu dhawaaqay, in Mareykanka uu sannadka 2026-ka billaabayo inuu Jarmalka geeyo gantaallada riddada dheer.
Sidoo kale, warkaan ay labadan dal uga dhawaaqeen Shirweynaha Isbaheysiga NATO ee ka socda magaalada Washington, iyadoo tani loo arko tallabo weyn oo looga gol leeyahay in lagaga hortago waxa ay xulafadu ku sheegeen khatarta sii kordhaysa ee Ruushku ku hayo Yurub.
Go’aankan ayaa u diri doona Jarmalka hubka ugu awooda badan ee Maraykanku heysto, waxana ay noqon doontaa marki ugu horreysay oo uu Mareykanka hub aad u culus ku rakibto Yurub tan iyo dagaalkii qaboobaa.
Khubarrada caalamka ayaa ku sheegay tallaaban, digniin cad oo ku wajahan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Dhanka kale, hoggaamiyaasha NATO ee ku shiraya caasimadda Mareykanka, ayaa dhanka kale ballan qaaday gargaar lacago dheeraad ah oo ay ugu deeqayaan dalka Ukraine, si ay isaga difaacaan duullaanka Ruushka.
War murtiyeed ay Arbacadi soo saareen, ayay madaxda NATO ku sheegeen, in ugu yaraan 40 bilyan oo yuro oo u dhiganta ($43.28 bilyan) oo Ukraine loogu gado agab millatari la gaarsiin doono sannadka danbe.

