Wararkii ugu dambeeyay weerarkii ka dhacay gudaha Xabsiga dhexe & khasaaraha ka dhasahay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Waxaa saakay gudaha xabsiga dhaxe ee magaalada Muqdisho ka dhacday is rasaaseyn iyo qaraxyo bambooyin, taas oo u dhaxeysay maxaabiis xabsiga ku xirneyd oo hub helay iyo ciidamada ilaalada ee xabsiga.

Sidoo kale, daqiiqado dhowr ah ayaa la sheegay in gudaha xabsiga dhaxe ee Muqdisho laga maqlayay rasaas iyo qaraxyo, waxaana xabsiga loo daabulay oo la geeyay ciidamo xoojin ah oo katirsan laamaha ammaanka, kuwaa oo soo afjarayay koox hubeysan oo gudaha xabsiga ka dhax dagaallameysay.

Dhanka kale, xaalada xabsiga ayaa lagu soo waramayaa in hadda ay degan tahay, waxaa la dilay lana qabtay qaarkood raggii hubeysnaa ee gudaha xabsiga ka dhax dagaallamayay ,kuwaa oo la rumeysan yahay in ay katirsan yihiin kooxda Al Shabaab.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya iyo taliska ciidanka asluubta ayaan wali faah faahin ka bixin iska horimaadka saakay ka dhacay gudaha xabsiga dhaxe iyo khasaaraha ka dhashay, mana jiro ilo madax bannaan oo xaqiijin kara inta ay la egtahay khasaaraha weerarka ka dhashay.

Ugudambeyn, weerarkan ka dhax dhacay gudaha xabsiga dhaxe ayaa noqonaya kii labaad oo sidan oo kale u dhaca, sannadkii 2020-kii ayaa sidan oo kale maxaabiis u xirneyd in Al Shabaab katirsan yihiin ayaa gudaha xabsiga loogu geeyay hub, kuwaa oo ciidamada la dagaalay iskuna dayay in ay baxsadaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News