Dowladda iyo Al-Shabaab oo kala sheegtay tirooyin iskhilaafsan oo dhimasho dagaalka Galgaduud

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa ka warbixiyay tirooyin iska soo horjeeda oo ku dhintay dagaal dhawaan ka dhacay gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Dhabaqle ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Sida ay sheegtay dowladda, dagaalka ayaa lagu dilay 50 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa sheegtay in ugu yaraan 27-askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ay ku dileen, 38-kalena ay kaga dhaawacmeen dagaalkaas oo saacado socday ka dhacay deegaanka Waniile ee duleedka degmada Ceeldheer.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya tirada khasaaraha ee labada dhinac soo sheegeen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News