New York (KAAB TV) – Saacado kadib Waxaa dib u soo laabtay adeegyada dhanka online-ka ee dunida, kaddib marki ay cillad farsamo oo baaxad-weyn ku dhacday shirkadaha maamula adeegyada internetka ee caalamka taasoo keentay in khalkhal weyn uu ku yimaaddo ganacsiga dunida oo dhan.
Sidoo kale, Meelaha sida weyn looga dareemay ciladda ku timid Jimcihi adeegga internetka dunida ayaa waxaa ka mid ahaa adegyadii online-ka ee baananka, xarumihii caafimaadka, warbaahintii kala duwanayd, shirkadihii duulimaadyada, xafiisyadii dawladda, goobihii ganacsiga iwm.
Dhanka kale, saamaynta ka dhalatay cilladdan farsamo, waxay banaanka u soo saartay, unugaylanshaha nidaamka adeegyada ku tiirsan adeegsiga internetka ee caalamka taasoo noqotay halis lagu dul intifaacaayo.
Ciiladdan aya ka dhalatay ka dib markii shirkadda amniga Internetka ee (CrowStrike) ay isku dayday inay cusboonaysiiso mid ka mida barnaamijyadeeda, arrintan ayaana si gaara u saamaysay macaamiisheeda isticmaala adeegyada shirkadda Microsoft Windows, oo ah nidaamka ugu caansan adduunka ee ay computer-adu ku shaqeeyaan.
Tani ma aheyn mid xatooyo ama weerar dhinaca interneetka ah, sida ay sheegtay shirkadda CrowdStrike, iyaga oo markii dambe raali-gelin ka bixiyey cilladda ku timi adeegyadooda iyaga oo sheegay in gacanta lagu hayo arrintan.
Ganacsiyada kala duwan iyo dawladaha adduunka oo dhan ayaa la kulmay khalkhal, saacado badan qaatay – waxaana aaladaha computer-adu ay soo saarayeen shaashado buluug ah oo ay ku dhex qoran yihiin, farimoo tilmaamaya inay cilladi jirto. Maamulaha guud ee CrowdStrike ayaa sheegay, in cilladdii ku dhacday qaybo badan oo ka mida in la hagajiyey, halka qaybo kalena ay u baahanayaan wakhti dheeraada.
Kumanaan duullimaadyo ah ayaa la baajiyay, tobanaan kun oo kale ayaa dib loo dhigay, taasoo keentay in safaf dhaadheer loo galo garoomada diyaaradaha ee Mareykanka, Yurub, Aasiya iyo Laatiin Ameerika.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo lagu jiro, xilliyada ay ugu mashquulka badan yihiin wadamada reer galbeedku, gaar ahaan iyada oo xilligan lagu jiro waqtigii fasaxyada, taas oo dad badani ay ay qorshaysteen inay u duulaan meelo kale.
Warbaahinta, iyada oo dadweynuhu ay sidii caadada ahayd u sugayeen warka, ayaa subaxnimadii hore ee Jimcihii shalay waxay ku war-heleen, shaashadihii telefishanada qaarkood oo aan shaqaynayn.
Melaha kale ee ay saameysay ciladdan waxaa kamid ah maxkamadihii, xarumihii laga maamuli jiray gaadiidka, xarumaha wici-taanada degdegga ah, hase yeeshee xilli dambe ayaa qaybo badan oo ka mida adeegyadani ay dib ugu soo laabteen sidii caadiga ahayd.
Isbitaalada ay maamulaan nidaamka ballamaha, taasoo ku khasabtay inay joojiyaan adeegyadii lagu arki jiray bukaanada, taas oo qaarkood ay u baahnaayeen in qaliimo lagu sameeyo.
Alison ayaa sheegtay in aabeheed oo 73 jir ah oo la doonayey in lagu sameeyo qaliin wadnaha ah, oo ka dhici lahaa isbitaal ku yaalla gobolka Kentucky ee dalkan Maraykanka, in subaxnimadii hore ee Jimcihii la joojiyey, iyada oo lagu wargeliyey inay jirto cillad farsamo taas oo keentay in qoyskeeda ay werweraan.
Sidoo ciladdan waxa ay saameeyn ku yeelatay adeegyada maaliyadda ee Maraykanka, tusaale ahaan shirkadda American Express ayaa sheegtay inay dhibaato kala kulantay, adeegyada ay bixiso, gaar ahaan in dadka ay adeega u fidiyaan inay kaadhadhkooda wax ku iibsan karan. Baananka waaweyn ayaa iyaguna qaarkood cilladdan la kulmay, sida TD Bank.
Ugudambeyn, shirkadda CrowdStrike ayaa adeeg u fidisa illaa 29000 oo macaamiil ah oo ay ku jiraan shirkadaha caalamka ugu waaweyn Waxaana khalkhalkan ku dhacay shirkaddani uu banaankakeenay, sida ay u fududahay in markeliya uu khalkhal geli karo adeegyada caalamka, maadaama oo ay shirkado koobani gacanta ku hayaan adeegyada ugu badan ee dhinaca internetka.

