Cadalle (KAAB TV) – Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada iyo guddoomiyaha gobalka Shabeellada Dhexe ayaa fursad u siiyay dadweynaha degmada Cadalle inay weydiiyaan su’aallo toos ah.
Sidoo kale, ujeeddada Kulankan maamulka iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa ahaa sidii la isaga xog-waraysan lahaa mashaariicda horumarinta bulshada laga dhaqan geliyay degmada iyo baahiyaha wali ka jira deegaanada Degmada Cadale, iyadoo si gaar ah diirada loo saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada bulshada, isku xirka maamulka degmada iyo dadweynaha loogana wada shaqayn lahaa horumarinta dowldnimada iyadoo loo marayaa kalsooni dhiska shacabka iyo Hay’addaha maamulka Hirshabeelle.
Waxa kale oo laysla soo qaadey siyaasadda iyo istaraatiijiyada dowladdu ka leedahay dhisidda golaha deegaanka degmada xoojinta iyo horumarinta arrimaha Caafimaadka dalkeena iyo waxbarashada, maamul wanaagga iyo soo kabashada dhaqaalaha.
Dhanka kale, Kasoo qayb-galayaasha Kulnaka maamulka iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa su’aalo, baahiyo bulsho iyo talooyin la wadaagaya Madaxweynaha Hirshabeelle, xubno kamida Golaha Wasiirrada iyo maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe.
“Tani waa isla xisaabtan dhab ah oo Dowladda iyo shacabka ah, mana jirto cid aniga iyo bulshada inoo dhaxeyso.” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe
Ugudambeyn, degmada Cadalle waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu khadiimisan gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana degmadaasi ka socda mashaariic horumarineed, waxaana la filayaa in dhawaan loo dhiso golle deefaan.

