SO | EN

SO | EN

Israa’iil oo sheegtay in ay duqaysay Xudeydah ee Yemen si ay uga jawaabto weerarrada Xuutiyiinta.

|

SANCA (KAAB TV) – Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqaymo ka fuliyeen magaalada dekedda leh ee Xudeydah ee badda cas ee Yemen, taas oo jawaab u ah weerarrada kooxda Xuutiyiinta.

Wasaaradda caafimaadka ee ka hawlgasha deegaannada ay Xuutiyiinta Yemen ka taliso ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhinteen 87 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay gubteen duqeymaha Israa’iil.

Duqeymaha cirka ah ee dhacay Sabtidii ayaa la fuliyay maalin kadib markii Xuutiyiinta ay sheegteen mas’uuliyadda weerar diyaarad aan duuliye lahayn oo hal qof ku dilay Tel Aviv, laguna dhaawacay 10 kale.

TV-ga Al Masirah ee taabacsan Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weerarka Israel lala beegsaday goobo lagu keydiyo saliida iyo warshad koronto oo ku taal Xudeydah, halkaasi oo uu dab ka kacay. Warbaahinta oo soo xiganeysa saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymaha cirka ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo aan la cayimin tirada.

Laakiin militariga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen “bartilmaameedyada militari” ee Yemen.

Duqeymaha cirka ee Israel ayaa ah tii ugu horeysay ee la ogyahay in Israel ay si toos ah u weerarto Xuutiyiinta tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza. Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo inay sii kororto rabshadaha guud ahaan Bariga Dhexe.

Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta ayaa ballan qaaday in ay ka jawaabi doonaan weerarka Sabtidii. “Gardarradan ma gudbi doonto iyada oo aan jawaab wax ku ool ah laga helin cadowga,” ayaa lagu yiri bayaan.

Afhayeenka Xuutiyiinta, Mohammed Abdelsalam, ayaa sheegay “gardarrada Israa’iil ee Yemen ka dhanka ah” ujeeddadeedu tahay “in lagu cadaadiyo Yemen inay joojiso taageerada Gaza, taas oo ah riyo aan run noqon doonin”.

General Yahya Saree, oo ah afhayeenka milatariga xuutiyiinta, ayaa ku daray goor dambe oo sabti ah in kooxdu aysan ka waaban doonin weerarada “bartilmaameedyada muhiimka ah” ee Israel.

Xamaas ayaa si degdeg ah u cambaareysay weerarka Israel. Izzat al-Rishq, oo xubin ka ah xafiiska siyaasada ee kooxda falastiiniyiinta ayaa ku yidhi bayaan uu soo saaray “Shaki la’aan dawladda la wareegaysa waxaa lagu gubi doonaa dabka ka kacay Xudeydah maanta, dambiyada sii kordhaya ee Sahyuuniyadda ayaa bedeli doona isla’egta.”

Ururka Xisbullah ayaa ka dhawaajiyay in ay taageerayaan Xuutiyiinta iyo shacabka Yemen weerarka kadib, sidoo kale.
“Waxaan u maleyneynaa in tallaabadan nacasnimada ah ee cadawga Sahyuuniyadda ay calaamad u tahay marxalad cusub oo khatar ah oo ka jirta iska horimaadka heerka gobolka oo dhan,” ayay kooxda Lubnaan ku tiri hadal ay soo saartay.

Laakin wasiirka difaaca Israel Yoav Gallant ayaa bogaadiyay weerarka isagoo digniin u ah cadawga Israel.

“Dabka hadda ka holcaya Xudeydah waxaa lagu arkay Bariga Dhexe oo dhan muhiimadduna waa caddahay,” Gallant ayaa sidaas yidhi. “Xuutiyiintu waxay nagu soo weerareen in ka badan 200 oo jeer. Markii ugu horeysay ee ay waxyeeleeyaan muwaadin Israa’iili ah, waanu ku dilnay. Taasna waxaan ku samayn doonaa meel kasta oo laga baahdo.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dekedda ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka ay Xuutiyiinta u adeegsadeen marin ay ka helaan hubka Iran.

Netanyahu ayaa intaa ku daray in duqeynta oo 1,800 km (1,120 mayl) u jirta xudduudaha Israa’iil, ay xasuusin u tahay cadawga in aysan jirin meel aysan Israa’iil gaari karin.

Yousef Mawry, oo ah saxafi Yemeni ah iyo falanqeeye siyaasadeed, ayaa Al Jazeera u sheegay in uu indhihiisa ku arkay dad ku sugan Sanca oo u ordayay inay shidaal ka helaan weerarka ka dib, iyadoo laga baqayo gabaabsi, isagoo ku nuuxnuuxsaday in duqeymaha Israel lala beegsaday “xarumo dadweyne”.

Wuxuu sheegay in weerarku uu culeyska saarayo dadka rayidka ah, taasoo ka dhigeysa inay waayaan “helitaanka waxyaabaha aasaasiga ah”, oo ay ku jiraan gaasta propane iyo shidaalka.

Xuutiyiinta xulafada la ah Iran, oo isu muujiya inay yihiin ciidamada rasmiga ah ee Yemen, ayaa bartilmaameedsanaya marinnada maraakiibta ee badda cas, olole ay ku sheegeen inay uga gol leeyihiin inay Israa’iil ku cadaadiyaan inay joojiyaan dagaalka ay ku hayaan Gaza, oo ay ku dhinteen in ka badan 38,900 oo Falastiiniyiin ah.

Kooxda Yemen ayaa sidoo kale gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku garaacay Israa’iil, kuwaas oo intooda badan la qabtay.
Balse subaxnimadii hore ee Jimcihii, diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Xuuthiyiinta ayaa ka baxsatay difaacyada cirka ee Israa’iil, waxayna weerartay dhismo ku yaalla magaalada Tel Aviv, taasoo loo arkay inay tahay xadgudub weyn oo dhinaca ammaanka ah oo Israa’iil.

Saraakiisha Israa’iil ayaa ballan qaaday inay ka jawaabi doonaan. Gallant ayaa fariin uu u diray Xuutiyiinta ku ballan qaaday Jimcihii in Israa’iil “ay dejin doonto natiijada” cid kasta oo wax u dhimaysa ammaankeeda.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa duqeymo cirka ah ka waday Yemen muddo bilo ah, si ay uga jawaabaan werarada Xuutiyiinta ee Badda Cas. Balse ololaha militari ayaa ku guuldareystay inuu joojiyo weerarada kooxda Yemen.

Al Jazeera’s Hamdah Salhut ayaa sheegay in horumaradii ugu dambeeyay ay u badan tahay in ay culeys ku keeni doonaan militariga Israa’iil, oo “hore u fidsan”, iyadoo laga cabsi qabo dagaal gobolka oo dhan ah.

Salhut ayaa xusay in ciidamada kaydka Israel ay ka howlgalaan labada qeybood ee waqooyiga iyo koonfurta dalkaasi iyadoo Israa’iil ay la dagaalamayso Xamaas ee Gaza iyo Xisbullah ee Lubnaan.

“Haddii ciidamada cirku ay tahay in la geeyo qaybo badan oo ka mid ah Bariga Dhexe sida Yemen, way adag tahay in la sheego sida saxda ah ee ay u maareyn doonaan taas marka ay weli raadinayaan inay dad badan u qoraan ciidanka, ” ayay tidhi. “Cadaadis badan ayay ku tahay Israa’iiliyiinta maadaama uu weli furmo kale saaka furmay.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News