Beelihii ku dagaalamay degmada Luuq oo heshiis hordhac la dhex dhigay

|

Luuq (KAAB TV) – Qaar kamid ah wafdigii nabadaynta u joogay degmada luuq oo uu kamid yahay xildhibaan cabdiqaadir xuseen uurdoox oo katirsan golaha shacabka iyo Abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Rashiid bohol ayaa heshiis hordhac ah dhex dhigay beelaha macalinweyne iyo gabaaweyn ayagoona sheegay in loo madlanyahay shirweyne laysugu keenayo dhamaan beelaha 3 -da ah ee diriray iyo waxgaradka iyo cuqaasha degmada luuq.

Sidoo kale, degmada Luuq waxaa horay usoo gaaray wafuud kala duwan oo kala socday Jubbaland iyo dowladda Federaalka, wafdigaas oo uu hoggaaminaayay madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiiro federaalka ah.

Dagaal beeleedkan ayaa sababay dhimashada dad ka badan 50 qof halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan sida ay goor horaba ay dadka deegaanka uxaqiijiyeen wariyaha Kaab TV ee Gedo.

Dhanka kale, dadka ku barakacay ayaa iyagana tiradooda lagu sheegay 900 qofood tan iyo markii uu bilowday dagaalkaasi.

Sikastaba, in dhawaanaba ah waxaa degmada Luuq ka taagnaa dagaal beeleedyo oo salka ku haayay muran dhuleed kaas oo markii dambe isku rogay dagaal hubeysan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News