Beledweyne (KAAB TV) -Boqolaal ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa markii labaad bishan ka soo gudbay xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.
Ciidamadan oo aad u hubeysan oo ay la socdaan dhowr baabuur oo kuwa dagaalka ah ayaa saaka aroortii ka gudbay degmada Feerfeer ee gobolka Hiiraan Waxa ay ku fideen deegaano kala duwan oo ay ka mid yihiin Jawiil Beergadiid Oomad iyo Qabno oo ku yaala inta u dhaxeysa Matabaan iyo Beledweyne.
Ujeedka rasmiga ah ee ciidamadan ay u galeen Hiiraan ayaa ah mid qarsoodi ah maadaama aan war rasmi ah laga soo saarin Waa markii labaad oo muddo bil gudaheed ah ay ciidamada Itoobiya gudaha u soo galaan gobolka. Ilo-wareedyo sir ah ayaa sheegaya in laga yaabo in ciidamadan loo xilsaaro inay galbiyaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Hiiraan ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Dadka ku dhaqan deegaanada ay ciidamada Itoobiya suganyihiin ayaa walaac xoogan ka muujiyay tirada ciidamada iyo gaadiidka dagaalka ee halkaasi ku sugan. Walaaca ay qabaan ayaa ah mid la dareemi karo
Gaar ahaan iyadoo aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan ciidamadan tirada badan oo aan la rumeysan karin inay qeyb ka yihiin howlgalka ATMIS-ka kuwaasoo markii labaad galay gobolka Hiiraan. waqti ku dhawaad 30 maalmood.
Soomaaliya ayaa rajaynaysa in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka dhamaadka sanadka 2024-ka, taasoo ku soo beegantay xilli uu dhacayo waqtiga ATMIS-ka. La Taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa ku nuux nuuxsaday in Ciidamada Itoobiya aysan qeyb ka noqon doonin Ciidamada cusub ee Midowga Afrika ee la qorsheeyay in ay sugaan ammaanka xarumaha muhiimka ah ee Soomaaliya laga bilaabo Janaayo 2025. Somaliland, oo Itoobiya u ogolaatay inay ka kiraysay xuquuqaha xeebaha Badda Cas si ay u aqoonsato madax-bannaanida Somaliland.
Soomaaliya ayaa si adag u diiday Is-afgaradkan, iyadoo u aragtay inuu xadgudub ku yahay madax-banaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed.
Marka laga soo tago dhaq-dhaqaaqa ciidamada kumanaan ka tirsan ciidamada Somaliland ayaa dhawaan dalka Itoobiya u galay tababar ciidan. Horumarkan ayaa qayb ka ah heshiiska difaaca ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland kaas oo looga gol leeyahay in la xoojiyo iskaashiga milatari ee ka dib heshiiskii is-afgaradka. Joogitaanka askartan ayaa sii xumeeyay xiriirka ka dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo Soomaaliya ay ku eedeysay Itoobiya in ay wiiqeyso dowladnimadeeda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa ku gacan seyrtay eedeymaha Soomaaliya ee ah in laga gudbo xuduudka, waxayna ku tilmaantay “mid aan sal iyo raad toona lahayn”, iyadoo sheegtay in dhammaan dhaq-dhaqaaqyada ciidanku ay qeyb ka yihiin tababarrada joogtada ah iyo howlaha shaqo ee ATMIS iyo heshiisyada labada dhinac. Soomaaliya, ayaa si rasmi ah eedeymo ugu gudbisay Qaramada Midoobay, iyadoo sheegtay in ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn howlgalka Midowga Afrika ay u soo gudbeen dhulka Soomaaliya.
XiRiiRka labada dal ayaa xumaaday wixii ka dambeeyay heshiiskii is-faham ee Somaliland taas oo keentay xiisad diblomaasiyadeed iyo eedaymo daandaansi ah. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu dadaalaya sidii uu Itoobiya uga heli lahaa dammaanad siyaasadeed iyo mid Milatari, si uu uga jawaabo khatarta loo arkayo in ay ku soo fool leedahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Joogitaanka ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedyada Hiiraan Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa ah mid muhiim u ah ka hortagga khatarta Al-Shabaab oo dhowr jeer oo hore. Ka bixitaanka ama dib-u-habaynta ciidamadan waxay abuuri kartaa faaruq amni oo ay ka faa’iidaysan karaan fallaagada. Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa walaac ka muujiyay saameynta ay ku yeelan karto maqnaanshiyaha ciidamada Itoobiya, iyagoo ka cabsi qaba inay ka faa’iideystaan Al-shabaab.
Wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya sida Masar Jabuuti, Eritera, Turkiga UN-ka Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ayaa Soomaaliya ka taageeraya mawqifka ay ka qaadaneyso ilaalinta dhulkeeda.
Midowga Afrika ayaa wajahaya caqabadda dhexdhexaadinta dalalka xubnaha ka ah si wax looga qabto qabanqaabada ammaanka ATMIS ka dib, xaqiijinta xasilloonida gobolka.

